Somaliland oo soo bandhigtay caddaymo muujinaya jiritaanka jabhada ku sugan Jabuuti

0
3176

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay mar kale dowladda Jabuuti ku eedaysay in ay dalkeeda ku casuuntay jabhado ka soo hor jeeda Somaliland kuwaas oo ka soo muuqday xafladdii 27-ka June ee  Xornimada dalka Jabuuti.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxaa uu soo bandhigtay caddaymo muujinaya jiritaanka jabhada ku sugan Jabuuti ee ka dhanka ah Somaliland.

Wasiir Mareexaan, ayaa waxaa uu sheegay in ay Jabuuti uga fadhiyaan inay wax la taaban karo ka qabato cabashadooda la xidhiidha jabhadaasi.

Wuxuu sheegay in aanay filayn in Jabuuti ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland, marka labaadna ay la yaabeen in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaadhan ka wadaan Jabuuti, isla-markaana ay jeedinayaan khudbado Somaliland ka dhan ah.

Somaliland iyo Jabuuti, ayuu sheegay in ay si adag u ilaalin jireen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya shacabka labada dal.

Xubnaha Jabhadda ee ka dhanka ah Somaliland ee ay Jabuuti martigelisay, ayaa waxa ka mid ah Wasiirkii Shaqo-Gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ee Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Maxamed Cabdillaahi Obsiiye kaas oo haatan Jabuuti ku sugan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay heshiiskii isfahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya, in dhowr jeer ay Jabuuti ka soo yeedheen hadalo ka dhan ah Somaliland, haseyeeshee aanay Somaliland ka jawaabin oo ay walaaltinimada ixtiraamaysay.

Wasiir Cali Maxamed Xasan Marreexaan, ayaa sheegay in aanay Somaliland ku filnayn beeninta warkii Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Jabuuti shalay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toonna lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here