Somaliland oo Shuruud Ku Xidhay Dib U Billaabashada Wadahadallada Soomaaliya

0
1237

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hakad ku jiray tan iyo markii ay maamulka Soomaaliya la wareegtay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Maxaamed Cabdullaahi Farmaajo. Laakiin hadda waxay guddiyada labada dhinac u qaabilsan wadahadalladaas ka hadleen sidii dib loogu laaban lahaa miiska wadahadalka.

Xukuumada Somaliland ayaa tabasho ka qabta dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii hore looga gudbay intii ay wada xaajoodyadaas socdeen.

Dhinaca Soomaaliya, Guddiga Qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadahadal la furaan Somaliland.

Hadalkan waxay soo saareen kaddib todobaadyo ay wadatashi kula jireen ururrada bulshada rayidka iyo madaxda kala duwan ee Soomaaliya.

Hasayeeshee xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa dhawaanahan sarreysay, xilli Somaliland ay sheegtay in ay isaga baxday wadahadalladii ay kula jirtay Soomaaliya iyadoo ka cabanaysa arrimo dhowr ah islamarkaana aan ku qanacsaneyn guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay waxba kama jiraan kasoo qaadday qodobbo hore loogu heshiiyay intii ay jireen dowladihii ka horreeyay tan hadda jirta, gaar ahaan xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmahan waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay wadatashiyo uu guddiga dowladda federaalka u qaabilsan wadahadallada la lahaa bulshada rayidka.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali, oo xubin ka ah guddigaas ayaa sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay xog badan uga heli lahaayeen dhinaca shacabka.

“Shirarka aan wadno waa shirar lagu xog wareysanayo dadka wax-galka ah ee bulshada Soomaaliyeed. Guddigu waa inay cilmibaadhis sameeyaan, oo ay xog soo uruuriyaan inta aan la billaabin wadahadalka rasmiga ah ee ay dowladda federaalka ee Soomaaliya la galeyso Somaliland. Sidaas darteed, saddexdii bilood ee ugu dambeysay ayaan sameynay xog uruurin xoog leh, maantana waxaan annagoo taa ka duuleyna la shirnay dalladda ururrada bulshada rayidka ah”, ayuu yidhi xildhibaanka.

Guddigan oo uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay bishii July ayaa ilaa iyo hadda aan qaadin wax tallaabo ah, marka laga raabo xog uruurinta uu xildhibaan Jaamac sheegay.

Xildhibaanka ayaa la weydiiyay waxa ay shirarkooda ka tari karaan dib u billaabashada wadaxaajoodka, wuxuuna ku jawaabay: “Dadka wakiilka laga yahay waa shacbiga Soomaaliyeed, sidaas darteed aragtida laga soo uruuriyo shacbiga Soomaaliyeed ayaa hageysa wadahadalka, waana qeyb muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka wadahadalka”.

Xildhibaan Jaangali ayaa Somaliland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan wadahadalka.

“Waxaa laga sugayaa walaalaheen Somaliland inay soo magacaabaan guddi nala fal gasha oo wadahadalka nala billaaba. InshaAllah markay diyaar yihiin annaguna diyaar baan nahay, howsheennii waan wadannaa”, ayuu yidhi.

Hase yeeshee Somaliland ayaa mar walba ku soo celisa dhaleeceynta ay xukuumadda Farmaajo ugu jeediso inay caqabad ku tahay wadaxaajoodka.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii hore loogu gaadhay kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii hore loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yidhi saxeexyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yidhi diyaaradaha hallaga maamulo xamar”.

“Waxaa isweydiin leh wadahadalladan imika la rabaa, ma kuwii horaa la ansixinayaa oo waa la sii wadayaa? Haddiise heshiisyadii hore ay noqdaan waxba kama jiraan waa gacma daalis. Waxaa la doonayaa madaxweyne qowl leh, oo wakaalad ka sita ummaddiisa, oo shicibka Soomaaliyeed soo doorteen, oo wixii madaxweyneyaashii hore ku heshiiyeen fulinaya, oo ixtiraamaya, awooddii uu ku fulin lahaana leh”, ayay tidhi Edna Aden.

Waxay intaas ku dartay in sida kaliya ee ay diyaar ugu yihiin dib u billaabashada wadahadalka ay tahay in heshiisyadii hore la meelmariyo.

“Hadduu oggolaado sidey heshiisyadu ahaayeen, ee madaxweyneyaashii hore u saxeexeen, waxaan subaxa xiga diyaar u nahay wadahadalka”, ayay tidhi.

Labada dhinac ayaa u muuqda inuu midba kan kale ku riixayo mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa, lamana saadaalin karo sida ay isugu tanaasuli karaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here