HARGEISA, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa markii labaad ku fulisay xukunka qisaasta ah Afar gacan ku dhiigle oo ay ku cadaatay inay si badheedha u toogteen Askar iyo masuuliyiin kale.
Sidaa waxa Shabakada wararka ee HargeisaPress u xaqiijiyay dad goob-joogaal ah, warku waxa uu intaasi ku darayaa in Afartan gacan ku dhiigle ayaa waxay kala ahaayeen laba qof oo Boolisa iyo laba Military ah, waxaana lagu kala toogtay deegaanadda Darar-weyne, Mandheera,waxaana ka mid ahaa askarigii dhawaan toogtay Taliyihii Ciidanka birmaddka ee gobolka Saaxil, Waxaana gacan ku dhiglahaasi lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed Kheyre.
Waa markii labad ee ay xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo fuliso xukun qiasaas ah.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa