Somaliland oo laga xusay maalinta Qaranimada Taiwan

0
1716

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland laga xusay sannad-guurada 113aad ee ka soo wareegtay markii ay Taiwan madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Shiinaha.

Munaasibada xuska oo ay soo qaban qaabisey Safaaradda dalka Taiwan ay ku leedahay Somaliland, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Safiiradda Somaliland iyo Taiwan, Xildhibaanada Baarlamaanka, aqoonyahan iyo diblomaasiyiin.

Safiirka Taiwan u fadhiya dalka Somaliland Allen C, Lou, ayaa waxa uu ka waramay taariikhdii ay u soo mareen shacabka dalka Taiwan in ay xornimadooda helaan, isaga oo tilmaamay in ay shacabka Taiwan u dagaalameen sidii ay u heli lahaayeen madax-bannaani, koboc dhaqaale iyo Dimuqraadiyad.

Safiirka, ayaa waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Somaliland saaxiibtinimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Geestooda, waxa iyaguna munaasibada xuska hadalo ka jeediyay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee isugu jira Wasiirrada, Safiiradda, Xildhibaanada, Aqoonyahanka iyo Dublamaasiyiinta.

Waxaanay shacabka dalka Taiwan ku hambalyeeyeen xuska sannad-guurada 113aad ee ka soo wareegtay markii ay xoriyadooda kala soo noqdeen dalka Shiinaha.

Masuuliyiinta, ayaa sidoo kale waxaa ay si qoto dheer uga warameen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya dowladdaha Somaliland iyo Taiwan iyo marxaladihii uu soo maray.

Ugu dambayntii, waxaa munaasibada xuska lagu soo bandhigay wax soo saarka dhanka dalaga Beeraha ee ay Taiwan ka samaysay Somaliland iyo sida uu u midho dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here