Warbixin: Somaliland Oo Ku Hawlan Joojinta Ka Ganacsiga Harimacadka

0
382

Hargaysa (Hargeisa Press): Somaliland waxaa sanadihii ugu danbeeyay ku soo kordhayay ugaadhsiga iyo ka ganacsiga sharci darradda ah ee noocyadda kala duwan ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka oo la aaminsan yahay inuu dunidda ka sii dabar-go’ayo.

Waxaana sanad kasta xeebaha Somaliland laga dhoofiyaa tiro aad u badan oo noocyo kala duwan oo duur joog ah oo loo iib geeyo wadamadda Khaliijka Carrabta, kuwaasoo laga soo ugaadhsado wadamadda la deriska ah.

Harimacadka oo la aaminsan yahay inuu dunidda ka sii dabar-go’ayo waxaa xeebaha Somaliland si qarsoodi ah uga tahriibiya shebekaddo isku xidhan ilaa duurka laga soo qabanayo ee Itoobiya, xeebaha Somaliland iyo ilaa wamadda Carrabta.

“Sannad kasta tiro badan oo dhasha Harimacadka ah ayaa laga tahriibiyaa Somaliland oo la geeyaa waddamada Khaliijka Carrabta si loogu iibiyo hantiileyaal iibsada xayawaanka rabaayadda ah.

Iibinta Harimacadku ganacsi ahaan xuduudaha caalamiga ah waa mamnuuc wixii ka danbeeyay tan iyo sanadkii 1975kii, sidaas darteed na tani waxay xad gudub ku tahay xeerarka caalamiga ah”.

Sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay baahisay idaacadaa iyo raadiyaha dalka jamhuuriyadda Czech, bishii  August ee sanadkan 2021-ka. Warbixintaasi oo ay diyaariyeen khubaro u dhashay dalka Czech oo gacan ka geysanaya sidii loola dagaallami lahaa ka ganacsiga Harimacadka sharci darrada ah ee gobolka Geeska Afrika.

Si dhibaatadaasi wax looga qabto ayaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay waxay si weyn uga hawl gashay sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.

Iyadoo kaashanaysa haayadaha caalamiga ah ee  ka shaqeeya la dagaalanka iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo ay ka mid tahay CCF, iyo sidoo kale dawladaha jaarka la ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Ethiopia, iyo Yemen.

Somaliland waa mamnuuc ka ganacsiga iyo dhoofinta, iyo haysashadda shaqsiyaadka ee duur joogta noocyadda  kala duwan, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee Xeer Lr. 69/2018.

“Xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee Xeer Lr. 69/2018, wuxuu dhigayaa in ay mamnuuc tahay ka ganacsiga, iyo dhoofinta, iyo in la haysto duur joogta noocyadeedda kala duwan” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo arrintaasi ka hadashay.

In Somaliland ay marin u noqoto ka ganacsiga sharci darrada ah  ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka waxaa sababay iyadoo leh xeebteed aad u dheer oo ay la wadaagto wadamadda Carrabta.

Waxaana inta badan Harimacadka iyo Libaaxyadda laga dhoofiyo xeebaha Somaliland ee loo iib geeyo wadamadda Carrabta laga soo qabsadda iyagoo dhallo ah dhulka hadka iyo buurraleyda ee dalka Itoobiya.

Waxaanay Somaliland  hawl galadaasi ay iskaashi kala samayso wasaaradda deegaanku dawladaha jaarka iyo haayadaha calamiga ah iyo ururadda ee   ka shaqeeya la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

“Somaliland waxaan iskaashi la leenahay dhakhaatiir reer Czech ah oo ka socda ururka Vets ee aan Xudduudda lahayn kuwaas oo tabarucayaal u dira Sanduuqa Ilaalinta Cheetah Conservation fund”  ayaa lagu yidhi warbixin uu sanadkan diyaariyay Mr. Tomáš Maule, oo ka tirsan khubaradda Czech.

Hawl galadda ay wasaaradda deegaanka Somaliland ku waxaa ka qayb qaata ciidamadda booliska, maamuladda goboladda iyo degmooyinka, ciidaddamadda Badda, iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee goboladda dalka uga wakiilka ah.

Waxaana jirta in dad badan iyo gaadiidkii ay wateen oo lagu soo qabtay iyagoo Farraha kula jira hawlaha ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta in maxkamadaha la horgeeyay, isla markaana xukunno lagu riday.

Geesta kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxay hadda gacanta ku haysaa ilaa laba xarumood oo loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo noocyadda kala duwan ee duur joogta ay gacanta ku hayso.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin beerta xanaanaynta duur joogta ee Debis oo ku taalla degmadda  Cadaadley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, taasoo imika meel gebo gebo ah maraysa, kadib muddo ay ka socotay hawlo loogu diyaarinayo sidii xayawaankaasi loogu xanaanayn lahaa.

Sidoo kale waxaa jirta beer kaloo loogu tallo galay xanaanaynta xayawaanka oo laga hirgeliyay deegaanka Geed-deeble ee woqooyiga magaaladda Hargaysa, goobahaasi oo la qorsheeyay in la geeyo boqolaal duur joog ah oo ay ku jiraan ilaa 73 Harimacadyo ah oo hadda lagu xanaaneeyo meello ku yaalla gudaha caasimadda Hargaysa.

Noocyaddaasi kala duwan ee duur joogta ah ayaa qaarkoodna ay ciidamadda amaanku soo qabteen iyadoo si sharci darro ah dalka looga dhoofinayo, halka qaarkoodna ay wasaaradda deegaanku kala soo wareegtay dad shacab ah oo hudheeladda iyo guryahoodda ku haystay.

Dhinaca kale  shirarka ugu muhiimsanaa ee  ku saabsanaa la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka ee heerka caalami ama heerka gobol ahaa ee Somaliland qaybta ka ahayd waxaa ugu danbeeyay shir 19-kii bishii September ee sanadkan 2021-ka lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Sidoo kale shirarka arrintaasi la xidhiidha waxaa ka mid ahaa shir ku saabsanaa oo sanadka wada tashiga Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiye ee ka hor taga dhoofinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo magaaladda Jigjiga ka qabsoomay 9-kii ilaa 11-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ee dawladda Somaliland ka haysata xanaanaynta duur joogta ay gacanta ku hayso ayaa ah dhinaca dhaqaalaha ee daryeelka  Harimacadka iyo xayawaanka kale ee ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso oo todobaad walba u baahan Hilib ay cunaan.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY