Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxay si rasmi ah uga qaybgashay Shirweynihii Afrika ee Tamarta Cagaaran iyo Hydrogen-ka Dabiiciga ah, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, Itoobiya, intii u dhaxaysay 8–9 April 2025, ka dib martiqaad rasmi ah oo ka yimi Ururka Iskaashiga Hydrogen-ka Afrika (AHP).
Shirkan wuxuu ahaa madal heer qaran ah oo muhiim u ah horumarinta wada hadalada iyo iskaashiga ku saabsan kala-guurka Afrika ee tamarta nadiifta ah ee hydrogen-ka cagaaran, iyadoo la isu keenay madaxda dawladdaha, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo daneeyeyaasha caalamiga ah.
Somaliland, ayaa waxaa Shirka ku matelayay wefti heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirrada Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi iyo Tamarta iyo Macdanta, Axmed Jaamac Barre.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wuxuu ku nuux-nuuxsaday xasilloonida Somaliland ee muddada dheer jirtay, doorashooyinkii nabadeed ee dhawaan ka qabsoomay iyo dedaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, wuxuu muujiyay diyaar garowga Somaliland ee la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, isagoo dhiirrigeliyay fursadaha maalgashi, maamul-wanaagga, iyo horumar waara.