Somaliland oo Ka Hadashay Doorashada Raysal Wasaaraha Cusub Ee Malaysia

0
1698

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay doorasho Toddobaadkii hore ka dhacday dalka Malaysia.

Somaliland, ayaa sidoo kale Dhambaal Hambayo ah u dirtay Raysal wasaaraha cusub ee loo doortay dalka Malaysia, ka dib doorasho dalkaa ka dhacday.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo qoraal ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa hambalyeeyay Raysal wasaaraha cusub ee Malaysia Anwar Ibraahim.

Qoraalka Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa u qornaa sidan “Hambalyo walaal Anwaribrahim magacaabista laguu magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Malaysia.”

Mudane Saylici waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa ay rejaynaysaa in ay iskaashi la samaysato Malaysia oo aad hormuudka ka tahay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Qofka samra uu Ilaahay la jiro “Eebbe wuxuu yidhi Samirna, Eebbe wuxuu la jiraa kuwa samra…”

Raysal wasaaraha cusub ee Malaysia, ayaa muddo 30 sanadood ku dhow halgan ugu jiray Inuu noqdo Raysal-wasaaraha dalka Maleeshiya, taasi oo uu aakhirkii ku guulaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here