Somaliland oo ka Hadashay Dil ka dhacay Sool, Saddex-kaclaynta Covid-19 & Weerarrada Cadawga Diinta ku Dhuunta

0
527

Hargeysa(HargeisaPress)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, ayaa shirkadii Khamiislaha ahaa ee maanta waxay kaga doodeen qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha nabadgelyada, gaar ahaan gobolka Sool oo Xildhibaan lagu dilay dhawr habeen ka hor, xaaladda saddex-kaclaynta cudurka Covid-19 iyo weerarrada cadawgu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta HargeisaPress.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga, nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku. Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin.

Ugu danbayntii, Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegayn wixii lidi ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xoriyadda saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland ka soo baxay maanta.

 

LEAVE A REPLY