Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidamadii U Goostay Dhinaca Puntland

0
999

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ciidamo tira badan oo lagu qiyaasay 30 oo askari oo ay ku jireen saraakiil sar sare ayaa shalay ka goostay ciidamadda qaranka Somaliland.

Ciidamadaas oo  aaga fadhiisinkoodu ahaa gobolka Badhan, oo ay gacan ku hayntiisa Somaliland iyo Puntland-ba sheegtaan.

Waxaanay ciidamadaasi u goosteen dhinaca maamul goboleedka Puntland, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay markii ay gaadheen Puntland, isla markaana derejooyin lagu taxay saraakiil ka mid ahaa.

Hadaba xukuumadda Somaliland oo arrintaas  ka hadashay  ayaa ku hanjabtay in maxkamad la soo taagi doono saraakiisha iyo ciidamadda u goostay dhinaca Puntland.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye, ayaa ciidamadaas goostay ku tilmaamay in ay qaran-dumis yihiin, isla markaana ay ka soo hor jeesteen dawladda.“Waxaan halkan fariin uga dirayaa ciidamadii ka goostay ciidanka qaranka Somaliland,  in ay yihiin kuwo ka soo hor jeestay dawladoodii, oo ay noqdeen dawlad-dumis. Laguna maxkamadaynayo wixii maanta ka danbeeya maxkamadda derejadda koowaad ee ciidamadda qalabka sida, ee goboladda bari, oo aanu dacwadoodda u gudbinay.

 

Waxaa dhacda in ay beri-na halkaa (Puntland) galaan,  maalinta danbe-na halkan (Somaliland) imanayaan, maalinta ay yimaadaan Somaliland ayaa wixii xukun ah ee dacwadaas ka soo baxa, nooca uu doono ha noqdee,  lagu xukumi doonaa”.

Geesta kale markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidamadaasi ay ka goosteen Somaliland waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in saraakiil ciidankaas ka tirsanaa ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamadda milateriga Somaliland oo ahaa in la weeraro magaaladda Badhan.

Sidaas darteed-na ciidankaas oo gebi ahaanba ka soo jeeday degaanka Badhan ay diideen kana soo hor jeedsadeen amarkaasi taliyaha, taasina ay ku kaliftay in ay u goostaan dhinaca Puntland.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi.“Badhan maxaa loo weerarayaa? Badhan Somaliland ayay ka mid tahay. In amnigeedda la sugo maahee, ciidankuna magaalo kasta iyo meel kastoo dhulka Somaliland ah way tegi karaan”ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga oo maanta u waramay Star TV.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir C/qani,  in ciidamadii falkaas ku kacay iyo kuwa kale ee isku daya in ay fal noocaas oo kale ah sameeyaanba in tallaabo laga qaadi doono.  Isagoo xusay in ciidamadda caadaystay falalka caynkaasa ay yihiin qaran-dumis.

Wasiirka oo ka hadlayay qiimaha ay qaranimadda ugu fadhiyaan saraakiisha derejadda sare la siiyay waxa uu yidhi “Waa niman qaran-dumis ah. waayo? Waxay derejo madaxweyne ayay ku fadhiyeen.

Sarkaalka gaashaanle dhexe ah, waxay ka dhigan tahay in shan jeer oo digreeto madaxweyne ah uu haysto. Derejadda garbahoodda saarani,  qiimo ayay u leeyihiin qaranka Somaliland”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here