Somaliland oo jawaab kulul ka-bixisey Qoraal Xasan Sheekh u diray Mareykanka

0
2702

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa jawaab ka bixiyay qoraal Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh u diray Mareykanka oo uu ku boorriyay inuu ku wareejin doono xeebaha ku yaalla Badda Cas oo aanu isugu xukumin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, wuxuu warqadaasi kaga jawaabay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter), Waxaanu caddeeyay in cilaaqaadka Beesha Caalamku ku danaynayso xidhiidhka ay la yeellanayaan Jamhuuriyadda Somaliland uu salka ku hayo rabitaankooda iyo inay garwaaqsadeen  in Somaliland tahay mid lala macaamili karo oo la isku hallayn karo, arrintaasi oo aanay Soomaaliya kula tartami karin.

Wuxuu Agaasimuhu xusay in Somaliland  sooyaalkeeda taariikheed ay ku muujisay xasillooni cago adag ku taagan, horumar dimuqraaddiyadeed, iyo maamul hufan, taasoo ka dhigaysa dal mudan inuu la falgalo oo wax la qabsado beesha caalamka.

Agaasime Maxamed Xasan wuxuu ku tilmaamay Soomaaliya “dal fashilmay” oo ay hadhaysay xasilooni darro, argagixiso, iyo tobanaan sanno oo gargaarka caalamiga ee la siiyo ay  si khaldan u isticmaalaysay, waxaanu xusay in la joogo wakhtigii lala xisaabtami lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in la joogo wakhtigii saxda ahaa ee beesha caalamku la macaamili lahayd Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here