Somaliland Oo Canbaaraysay Weerarkii Kaydka Shiidaalka Sucuudiga

0
589

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Jamhuuriyadda Somaliland ayaa canbaaraysay weerarkii todobaadkan lagu qaaday xarunta ugu weyn kaydka shiidaalka ee dalka boqortooyadda Sucuudi Carabeiya.

Waxaanay Somaliland sheegtay in ay si weyn uga xun tahay, isla markaana ay canbaaraynayso weerarkii lagu qaaday xuraha kaydka shiidaalka ee Sucuudiga.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

War-saxaafadeedkaasi oo ku qornaa luuqadda Carabiga ayay Somaliland ku sheegtay in ay si qalbi taabad le hula wadaagayaan dawladda Sucuudiga dhibaatadda iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ka wakiilka xukuumadda iyo shacabka Somaliland, waxay si qalbi taabad leh ula wadaagayaan dhibaatadda iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi”.

Weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yemen, ayay Somaliland ku tilmaantay in ay ka soo hor jeedo, isla markaana ka taagan tahay mawqif cad.

“Waxaanu ka taagan nahay mawqif cad, kaasoo la mid ah ka dawladda aanu walaalaha nahay ee Sucuudiga iyo shacabkeeduba.

Waxaanan ka soo hor jeednaa beegsasho kasta iyo weliba waxyeelo la soo gaadhsiiyo dawladaha aanu xidhiidhka leenahay, sida Sucuudi Carabiya” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Geesta kale canbaarayntan Somaliland ayaa la xidhiidha kadib markii todobaadkan wershadda sifaynta shiidaalka ee  ARAMCO oo ku taalla magaaladda Baqiic ee dalka boqortooyadda Sucuudiga weerar gantaal lagu qaaday.

Weerarkaasi waxaa sheegatay in ay gaysteen jabhadda kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen.

Dhacdadaasi ayaana  keentay in uu sare u kacay qiimaha shiidaalka aduunka oo dhan, kaasoo si weyn looga wada dareemay dalal badan oo caalamka ah.

Dhinaca  kale dawladda Sucuudiga ayaa ku eedaysay weerarkaasi in ay ka danbaysay dawladda Iiraan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY