UK Oo Somaliland Ka Taageeraysa Horumarinta Cadaaladda iyo Garsoorka

0
531

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland iyo hay’adda Axiom international ayaa maanta kala saxeexday heshiis la xidhiidha nidaam suurto gelinaya in la isku xidho hay’adaha cadaaladda Somaliland.

Mashruucaasi oo ay maalgelinayso wasaaradda arrimaha dibadda dawladda UK waxaa fulinaysa hay’adda Axiom international.

Kaasoo suurto gelinaya in la hirgeliyo nidaamka maamulka dacwadaha, lagana hirgeliyo wasaaradda cadaaladda, taliska guud ee ciidamadanka asluubta iyo xabsiga dhexe ee magaaladda Hargaysa.

Waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda.

Taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday hay’adda Axiom international.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here