Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Bogaadisay Dawladda Maraykanka

0
848

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ayaa soo dhawaysay qoraal ay dawladda Maraykanku ku bogaadisay xukunkii maxkamadda Hargaysa ay ku riday Ragg si sharci darro ah  uga ganacsanayay dhoofinta Harimcadka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Facebook ee Internet-ka ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan boogaadinta Somaliland uga timid dawladda Maraykanka.

Hase yeeshee, wasaaradda deegaanka Somaliland waxay ka jawaabtay in qoraalkaasi aan meelnaba lagaga xusin Somaliland, balse ay ka soo qaadeen sidii oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waan ku faraxsannahay in aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee aanu qabannay.

Sidoo kale, waa in aan tilmaannaa in Hargaysa tahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay meelna kaga jirin Soomaaliya” ayaa lagu yidhi woraal wasaaradda deegaanka Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay baraha bulshada .

Geesta kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sannadaha wadday dadaalo la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa duurjoogta iyo dhirta oo muhiimad weyn u leh dalka.

Waxaanay wasaaradda oo kaashanaysa haayadda CCF ay xidhxidhay dad badan oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaaya noocyada duurjoogta gaar ahaan Harimcadka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here