Somaliland oo berito looga dareerayo doorashada madaxtinimada

0
1189
Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press)- Somaliland waxaa maalinta berrito ah looga dareerayaa doorashada madaxtinimada oo ay ku baratamayaan xilka madaxtooyada murashixiinta sadexda xisbi qaran iyo toddoba urur siyaasadeed.

Gudidda doorashooyinka Somaliland oo soo gebagebeeyay hawlwadeenada gobollada ee doorashooyinka, iyadoona gobolada u diray ciidamada ka hawlgelya goobaha codbixinta, kuwaas oo sugaya amniga goobaha iyo ilaalinta doorashooyinka.

Cod bixiyayaasha, ayaa u kala codeynaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayaan murashaxiin ka kala socota xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID, iyo doorashada ururrada oo toban urur laga doonayo in ay ka soo baxaan sedex xisbi.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doorashada soo socotana la filayo in mar kale ay ku loollamaan, ayaa soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedyo ay doonayaan in loogu codeeyo.

Doorashadan, ayaa waxaa ku tartami doona murashixiinta xilka madaxweynaha, kuwaas oo kala kala socda saddex xisbi iyo ururro siyaasadeed.

Kala horraynta labadan doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururrada, ayaa iyana laba mowqif oo kala fog ay ka taagnaayeen Mucaaradka oo iyagu doonayey in la soo horreysiiyo Doorashada Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo doonaysay in la soo horreysiiyo ta Ururrada.

Maxay doorashooyinkan kaga duwan yihiin kuwii Somaliland ka dhici jiray

Doorashadan la filayo in ay Somaliland ka dhacdo Arbacada berito, ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacda Somaliland tan iyo 2002-dii, markaas oo hannaanka Xisbiyada badan ka hano qaadeen dalka.

Doorashadan, ayaa ah mid dhawr qodob kaga duwan doorashooyinkii hore marka loo eego, waxana ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.

Dadkan isu diiwaan geliyey in ay doorashadan codkooda dhiibtaan, ayaa ka badnaan doonta kuwii doorashooyinkii hore.

Dhinaca kale, codeeyayaal gaadhaya 1,22,228, ayaa iska diwaan geliyay 1,232 goobood oo dalka Somaliland ka tirsan.

Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxa kale oo ka mid ah oo markii u horreysay la isticmaalayaa in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaadhadh aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.

Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen bishii hore.

Maalinta berito oo Arbaca ah oo ay ku beegan tahay 13 bisha November, ayaa loo dareeri doonaa goobaha cod-bixinta, waxaana la filayaa in doorashooyinkan isku sidkan ay ka loollan iyo xamaasad badnaan kuwii hore u dhici jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here