Somaliland oo Beesha Caalamka Ka-Dalbatay Inaan Deeqaha Loo Soo Marin Soomaaliya

0
1169

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay wadamada Beesha Caalamka ka dalbatay in aan lacagaha deeqaha ah loo soo marin Soomaaliya, islamarkaana si gaar ah loo siiyo.

Sida lagu sheegay warqad uu Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland uu la wadaagay wadamada deeq-bixiyeyaasha, iyadoona lagu sheegay mihiimada ay leedahay dariiqyo ay Beesha Caalamku si gaar ah ugula macaamisho Somaliland.

Warqada, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in gargaarku uu noqdo mid kor loogu qaadayo nolosha dadka, iyadoo aan loo eegin fikirkooda siyaasadeed, maadaama ay jiraan wadamo badan oo aan la aqoonsanayn oo si toos ah loo siiyo deeqaha.

Waxaana ugu dambayn lagu sheegay warqada in Somaliland ay u mahadnaqayso taageerada ay ka hesho wadamada deeqaha bixiya, haseyeeshee ay ka rajaynayaan inay sii kordhiyaan wadashaqaynta ay leeyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here