Somaliland oo bandoo kusoo rogtay magaalada Ceerigaabo, kadib shaqaaqadii ka dhacday

0
2230
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay bandoo ku soo rogtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kadib markii ay maanta halkaasi ka dhaceen shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxaa uu war ka soo saaray shaqaaqada ka dhacday magaalada Ceerigaabo

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa uu ugu horayn tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay shaqaaqadaasi.

Sidoo kale, waxaana uu sheegay wasiirku in shaqaaqadaasi ka dhacday magaalada Ceerigaabo ay tahay mid dhaawacaysa nabadgelyada, wadajirka iyo wada noolaanshaha shacabka reer Ceerigaabo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Guddida nabadgelyada iyo laamaha kala duwan ee amniga ee magaalada Ceerigaabo, faray in ay bandoo ku soo rogaan magaalada.

Waxaa uu ugu baaqay laamaha amniga ee gobolka in ay si deg deg gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dhibta shaqaaqada, si loo horgeeyo sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here