Somaliland oo Amar Culus Ku Soo Rogtay Gaadiidka Rakaabka iyo Rarka-qaada

0
1171

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa soo saartay wareegto ay ku amrayso in aanu baraha kaantarool ee dalka dhaafi karin gaadhi aan ruqsada iyo ogolaanshiyaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidka.

Wareegtada, ayaa lagu sheegay in gaadhi aan lagu xidhin xadiidaada xawaaraha gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka, aanu dhaafi karin baraha kaantarool, isla markaana ciddii u hoggaansami wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintaas iyo ganaax lacageedba.

Wareegtadan oo ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa u dhignayd sidan:-

“In aanu kaantaroolada dhaafi karin gaadiid aan ruqsadda ogolaanshaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland laga bilaabo taariikhda 6/10/2022.

In aanu dhaafi karin taantaroolada dalka gaadhi aan lagu xidhin qalabka xadidaada xawaaraha gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka.

In aan la ogolayn darawaliinta basaska qaada rakaabka dadweynaha iyo alaabaha ee aan haysan liisanka darajada D.

Ciddii u hoggaansami wayda awaamiirta wareegtadan waxa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 200,000 oo Shilinka Somaliland iyo xadhig waafaqsan xeerka wadamarista gaadiidka ee Xeer Lr. 56/20133″.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here