Somaliland: Xisbiyada Mucaaridka & Madasha Wadatashiga oo Saxeexay Heshiis ah in Dawlad Wadaag ah la dhiso haddii doorashadu dib u dhacdo

0
917

Hargeysa (HargeisaPress) — Shir Jaraa’id oo ay Maanta wada jir ugu qabteen Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Hargeysa laba xisbi Mucaarad ee Waddani, Ucid iyo Madasha wadatashiga ayaa lagu soo bandhigay Heshiis ay saddexda dhinac wada saxeexeen oo ku saabsan in Xukumaddu wakhtigeedii ku qabato Doorashooyinka Wakiilada iyo Madaxtinimada, haddii ay qabsoomi waayaana la dhisi doono Xukumad ku meel gaadh ah oo ay kuwada jiraan saddexda Xisbi Qaran.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddan Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiye xigeenka 1-aad Axmed Muumin Seed,Xoghayaha Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo SIyaasiyiinta Madasha wada tashiga oo ay joogeen Gudoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac, Mujaahid Xasan Ciise jaamac, Ibraahin Dhagaweyne, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Xubno kale.

 

Nuxurka Heshiiskan waxaa warbaahinta u akhriyay Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo Xisbiga waddani ka tirsan waxaanu yidhi:

“Waxaanu halkan iskula qaadanay Qodobada Hoos ku Qoran anagoo ka kooban Xisbiga Ucid, Xisbiga Waddani iyo Madasha wadatashiga oo ka kooban Muwaadiniin isku abaabulay inay taladooda iyo fikirkooda ka muujiyaan Siyaasadda Guud ee Wadanka, Qodobka 1-aad:-

1.     Inay dalka ka jirto Nabad Galyo Taam ah, Taasi oo muujinaysa inaanay dalka ka jirin Duruufaha ku xusan Qodobka 83-aad iyo 42-aad(Dastuurka) ee ah kuwa Doorashada dib u dhigi kara, sidaasi darteedna ay Doorashooyinka Golaha wakiilada iyo madaxtooyadu ku qabsoomaan muddadii sharcigu u cayimay oo ku aadan 26-ka Juun 2015;

2.     Inay lagama maarmaan tahay in la qabto Diwaan galinta Codbixiyeyaasha, muddaddii loo qorsheeyay, sidii horeba loogu wada heshiiyay Saddexda Xisbi Qaran, Xukumadda iyo Komishanka Doorashada, si loo xaqiijiyo inay doorashooyin xalaal ahi dalka ka dhacaan;si looga fogaado dhibaatooyinkii sanadkii 12-ka ka dhashay Doorashada;

3.     Inay lagama maarmaan tahay, in wax laga bedelo qaabka iyo Shuruudaha lagu soo xulayo Guddida Doorashooyinka Qaranka, si loo xaqiijiyo, loona hubiyo dhexdhexaadnimada Guddida si Loo abuuro jawi dimuqraadi ah oo saddexda Xisbi u siman yihiin.

4.     In haddiiba ay dhacdo, in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan, Eedeeda ay yeelan doonto Xukumadda, iyadoo ay waajibkeeda tahay inay doorashada qabato xiligeedii;

5.     Inay Waajib noqon doonto wixii ka dambeeya 26-ka June 2015-ka oo Wakhtiga Xukumaddani ku eeg yahay la dhisi doono Xukumad ku meel gaadh ah, oo loo dhan yahay, taas oo waajibkeeda 1-aad yahay inay dalka ka qabato Doorashooyin;

6.       Ugu dambeyn in marka la gaadho 31-ka December,2014-ka, ay muuqato inaan dalka doorashooyin ka dhacaynin wakhtigii loo qorsheeyay, la bilaabi doono wada hadal ku saabsan Abaabulka iyo wada hadal ku saabsan xukumadda ku meel gaadhka ah ee kor ku xusan.”

Qoraalka heshiiskan waxaa ku saxeexnaa

1. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe

2. Musharax Jaggada Madaxtinimad aee Ucid Jamal Cali Xusseen

3. Cali Maxmamed Yuusuf (Cali Guray)

4. Gudomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).

5. Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed.

6. Ibraahin Jaamac Cali rayte

7. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xassan Guurre.

8. Maxamed Xaashi.

9. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY