Somaliland: Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa Oo Bulshada Kala Qayb Galay Salaadda Ciidal Adxa + SAWIRRO

0
962

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Salaada Ciidal Adxa awgeed la ciiday Shacbi weynaha Reer Somaliland  oo uu kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Caasimada Hargeysa.

ciidal odxa 4

Salaada ka dibna waxa uu madaxweynuhu shacbiga ku qaabiley qasriga madaxtooyada oo ay bulshada qaybeheeda kala duwanina salaam gacanqaada madaxweynaha ku soo salaameen.

ciidal odxa3

Geesta kale Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan xubno golaha wasiirada ah ayaa shacbi tiro badan kula tukaday Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium. Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Awdaahir, wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiirka beeraha ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta shacabka kula tukaday Hargeysa Stadium.

ciidal odxa  5

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo hadal kooban u jeediyay bulshada Salaadda Ciidal Adxa u yimid garoonka ayaa ku dardaaray ilaalinta ammaanka oo uu sheegay inay ka mid tahay nimcooyinka Illaahay ku galladay bulshada Somaliland ee gayiga Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa ay kaga tilmaaman yihiin.

ciidal odxa 8

Waxa uu hambalyo iyo duco u diray shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibadba jooga iyo shucuubta islaamka ah isagoo u rajeeyay mustaqbal fiican iyo horumar.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here