Somaliland iyo Taiwan oo dhagax-dhiggay xarunta keydka xogta

0
2615

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u dhagax-dhigeen xarunta keydinta xogta amniga security-ga qaranka Somaliland ee (Data Center).

Dhagax dhiga xarunta keydinta xogta amniga qaranka, ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yuusuf Idiris oo ay weheliyaan Safiiradda Somaliland iyo Taiwan iyo agaasimeyaasha wasaaradaha isgaadhsiinta iyo xannaanada xoolaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Khayre Cismaan Caalin oo ugu horeyn hadal ka jeediyay madasha dhagax-dhiga ee xaruntan, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani u leedahay qaranka Somaliland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta xogta amniga qaranka.

Waxanu tilmaamay in baahi weyn uu dalka Somaliland u qabay xaruntan, si loola jaanqaado isbeddelka xaaladaha ku soo korodhaya dhinaca Tiknoolajiyadda.

Safiiradda Somaliland iyo Taiwan, iyo Agaasimaha wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland oo iyaguna madasha hadal ka jeediyay, ayaa boggaadiyay hirgelinta dhismaha xaruntan.

Waxana ay si qoto dheer uga warameen doorka ay horumarka dalka Somaliland ka qaadan doonto xaruntan keydka xogta amnigu.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Yuusuf Idiris oo ugu dambayntii hadal ka jeediyay madasha dhagax-dhiga xaruntan, ayaa ka hadlay doorka ay Somaliland ka leedahay xaruntan keydka xogta amniga, isagoona ka mahadceliyey cidkasta oo ka qayb qaadatay taaba gelinta qorshahan lagu dhagax-dhigayo, isla-markaana lagu dhisayo xaruntan keydka xogta amniga qaranka.

Xaruntan keydka xogta amniga security-ga qaranka Somaliland oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo dowladda Taiwan, ayaa dhismaheeda laga hirgelin doonaa magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Xaruntan, ayaa lagu keydin doonaa laguna ilaalin doonaa xogta amniga security-ga qaranka dalka Somaliland, si looga hortago wixii khatar amni ee dhanka Internet-ka iyo xogaha ah, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka cusub ee tiknoolajiyadda.

Waxanay xaruntani ay dowladda Somaliland ka caawin doontaa hirgelinta barnaamijka E-Government-ga oo ah mid ay xarumaha dowladdu ku xidhiidhayaan nidaamka tiknoolajiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here