Somaliland iyo Itoobiya oo ka wadahadley Xaaladdaha Dhaqaale ee Geeska Afrika

0
1854

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa kulan mihiima saaka la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Dawladda Federaalka Itoobiya, Cabdiraxaan Iid Daahir.

Isbarasho iyo soo dhawayn kadib, Waxay isla wadaageen xaaladaha ganacsi iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, caqabadaha ka jira, iyo talooyinka ugu habboon ee wax lagaga qaban karo.

Waxa sida oo kale ay aad u lafa gureen xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo loona xoojin karo.

ugu dambaytiina Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa uga mahad naqay Wasiir Ku-xigeenka sida qiimaha badan ee uu u soo dhaweeyay una qaabilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here