Somaliland iyo Itoobiya oo ka wadahadlay xiisadda gobolka

0
3165

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Somaliland Rooble Muuse Cabdi, ayaa waxaa uu kulan xaasaasi ah la yeeshay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Shunde Hamito.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Gaashaadhigga Somaliland, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wadahadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale, intii kulanku socday waxaa lagaga wadahadlay arrimaha amniga gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa la isagana kaashan lahaa iyo danaha Labada dal.

Labada dhinac, ayaa waxaa ay isku waafaqeen in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer kaasi oo ku qotoma arrimaha nabadgelyadda, dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana intaasi dheer in ay wada galeen heshiis iskaashi oo dhinaca isticmaalka Biyaha Badda ah kaasi oo hirgalintiisa wax yar ka hadhsan yihiin.

Waxaana kulankan lagu soo qaaday xiisadaha ka aloosan mandaqada Geeska iyo sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa wax ka qabashadooda.

Waxaanay labada dhinac wax isaga waydiiyeen adkaynta amniga gudaha iyo xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee Somaliland iyo Itoobiya.

Si kastaba, waxaa Bariga Afrika hadda ka taagan murano siyaasi ah kaaso oo u baahan in lala socdo waxna la iska waydiiyo sidii looga dabaalan lahaa, waxaana ugu wayn ilaalina amniga iyo adkaynta xidhiidh u dhexeeya laba dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here