Machadka Shaqaalaha Dowladda oo u bushaareeyay Ardaydii ka baxday dugsiyada sare

0
1057

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Machadka shaqaalaha dowladda Somaliland Cumar Iid Qalombi, ayaa waxaa uu ka warbixiyay borogaraamo cusub oo tayo leh oo uu soo kordhiyay Machadka shaqaalaha dowladda.

Agaasimaha, ayaa sheegay in borogaraamadaasi uu soo kordhiyay Machadku uu ugu talo galay inuu ku tayeeyo guud ahaan shaqaalaha dowladda ee uu ugu xil saaran yahay qaranka.

Sidoo kale, agaasimaha, ayaa boggaadiyay dhamaan ardaydii ka baxday dugsiyada sare ee dalka ee ku guulaysatay imtixinaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay natiijadiisa.

Agaasime Qaloombi, ayaa fariin u diray ardayda ka baxday dugsiyada sare, isagoona ugu bushaareeyay inuu Machadku u soo kordhiyay borogaraamo si weyn u anfici doona oo kala leh darajooyin kala duwan.

Agaasimaha guud ee Machadka Shaqaalaha Dowladda Somaliland Cumar Iid Qaloombi, ayaa sheegay in Machadka shaqaalaha dowladu uu taagan yahay kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda.

Ugu dambayntii machadka shaqaalaha dowlada, ayaa shaaciyay bilowga diiwaan-galinta ardayda cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here