Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka wada-hadlay Dagaalkii Dacawaley

0
1810

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wefdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdale Sandheere, ayaa saaka u ambo-baxay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Somaliland, ayaa waxaa socdaalka ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska.

Waxaa weftiga markii ay gaadheen magaalada Jigjiga waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Intaasi kadib, Weftiga Somaliland iyo Masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxaa ay wada yeesheen kulan laba geesood ah.

Labada dhinaca, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wadahadleen dagaalka Deegaanka Dacawaley ee u dhexeeya Ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka Dacawaley ee Somaliland.

Ciidamada Liyuu Booliska ee maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa weerar gaadmo ah ku soo qaadayo Deegaanka Dacawaley, iyagoona xasuuq aad foolxun u gaystay Shacabka Deegaanka Dacawaley.

Dadka Deegaanka Dacawaley oo ka jawaabay weerarka, ayaa khasaare aad u xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah gaadhsiiyay Ciidamada Liyuu Booliska, isla-markaana Maxaabiis badan ka qabtay.

Deegaanka Dacawaley iyo deegaanada kale ee hoos yimaada, ayaa waxaa hada gacanta ku haya Dadka Deegaanka Dacawaley, kuwaasi oo Deegaanka ka saaray Ciidamadii Liyuu Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here