Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay safarka ay dalka Maraykanka maanta ugu baxeen madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo.
Eng. Faysal, oo maanta warbaahinta kula hadlay hoygiiisa uu ka degan yahay caasimadda Hargaysa, waxaanu farriin u diray shacbiga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.
Kuwaasoo uu ugu baaqay in ay madaxweyne Muuse Biixi, iyo weftigiisaba si wanaagsan oo wadaniyadi ku dheehan tahay ay u soo dhaweeyaan.
Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka hadlay jaaliyadaha ku dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ee ku nool dalka Maraykanka oo la sheegay in ay abaabulayaan mudaharaadyo lagala hor tegayo weftiga Somaliland.
DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha UCID:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.