Somaliland: Guddiga Ka Hor Taga Covid-19 Oo Go’aamo Cusub Soo Saaray

0
658

Hargaysa (HP): Guddida heer qaran ee xakamaynta cudurka Corona virus, ee Somaliland ayaa maanta soo saaray go’aamo kala duwan oo ay bulshada ugu direen awaamiir iyo farriimo cusub oo wacyi-gelin ah.

Go’aamadan cusub ee ay soo saareen guddigu oo ka koobnaa toban qodob, waxaa ka mid ah in masaajidadda la xidhi doono muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15-ka bishan April.

Sidoo kale wakhtiga ay sii xidhnaan doonaan goobaha waxbarashadda dalka ayaa lagu daray muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa isla 18-ka bishan.

Go’aamadan ay maanta shaaciyeen guddiga ka hor taga caabuqa Covid-19 ee heer qaran ayaa imanaya iyadoo isla maanta uu wasiirka caafimaadka Somaliland sheegay in saddex qof laga helay xanuunkaasi.

Halkan ka Akhriso Go’aamadaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here