SOMALILAND: Aas Qaran Oo Loogu Sameeyey Abwaan Cali Sugule Iyo Madaxweyne Siilaayo Oo Ka Qeybgalay + SAWIRRO

0
892

Hargeysa, (HargeisaPress) — Alle ha u naxariiste Abwaankii Weyna ee Cali Sugule Cigaal (Duncarbeed) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey Xabaalaha Naaso-Hablood ee Magaalada Hargeysa.

DSC_0001 (2)

Aaska Jinaasada Marxuum Cali Sugule ayaa wax aka qeybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Wasiiro, Abwaano, Fanaaniin oo uu ka mid yahay Axmed Naaji Sacad, Abwaan Xasan Cabdilaahi (Xasan Ganay), Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Salaadiin, Siyaasiyiin, Waxgarad, Xildhibaano ka kala socday labada Golle Baarlamaan (Guurtida Iyo Wakiillada) iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

DSC_0110

Subaxnimadii hore ee saaka waxa dalka soo gaadhay Maydka Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed”, kadib markii laga soo qaaday Maydkiisa dalka Imaaraadka Carabta  oo uu ku geeriyooday Isniintii aynu soo dhaafnay taariikhdu ahayd 11/1/2016.

DSC_0077

Kadib markii Maydka Marxuumka laga soo dejiyey Dayuurada Siday, waxa hareera joogay cutubyo ka mida Ciimadanka Qaranka Somaliland, Waxaana Salaadii Jinaasada lagaga tukaday Masaajidka Tabliiqa,kadibna waxa loo qaaday Xabaalaha Naasaha Hablood oo Marxuumka lagu aasayay,waxaana Marxuumka Bud dhigay qaar ka mida Ciidamada Qaranka Somaliland, sidaas ayaa halkaasi loogu duugay Marxuumka halkaasi. Iyada oo halkaasi loogu duceeyey Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Halkan Hoose ka Daawo muuqaalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here