Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in abaar iyo biyo la’aan oo sanadkii tegay dabayaaqadiisii iyo horaantii sanadkan dalka ka dhacay ay saamayn xun ku yeesheen dad gaadhaya 130,000 oo qof oo reer Somaliland ah.
Abaartaasi ayaana saamaynta tooska ah oo isugu jirtay biyo la’aan iyo cunto la’aan ku keentay dadka ku nool ilaa afar gobol oo dalka ka mid ah, taasoo ay keentay roobabkii Dayrtii hore oo aan meelaha qaar si fiican uga di’in.
Sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha haayadda u diyaa rgarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo maanta warbixin siinayay guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland.
Faysal Cali Sheekh, waxa uu tilmaamay abaartaasi ay saamayn ku yeelatay bulshadda ku nool goboladda Sool, Sanaag, Togdheer iyo Maroodijeex, isla markaana ay laba jeer warbixino ka soo saareen xaaladaha ay ku jiraan dadka goboladaasi ku nool.
Iyadoo warbixinahaasi ay bilawgii ku ogaadeen in ay saamayn ku yeelatay ilaa 55000, oo qof, tii labaadna ay ku soo saareen ilaa 110,000 oo qof, halka warbixintii soo baxay bishii u danbaysay ee sanadkana ay ku sheegeen 135000, oo qof.
“Warbixin balaadhan ayaanu ka siinay guddiga , iyaguna wixii su’aallo ay u baahnaayeen ayay naga waydiiyeen. Ilaa bishii December ee sanadkii tegay ee 2020-ka, wadanka abaar ayaa ka jirtay. Roobabkii Dayrta, oo Jiilaalka lagaga baxo intii badnayd maynaan helin. Gu’giina meello badan oo uu sanadkii hore seeg-seegay way jireen.
Saamayn badan ayaanay ku yeelatay gobollo badan oo Somaliland ka mid ah, gaar ahaana goboladda Sool, Sanaag, Togdheer iyo Maroodijeex”ayuu yidhi Faysal.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Laba jeer ayaanu warbixino ka soo saarnay, xaaladaha ay ku jiraan dadka goboladaasi ku nool. Bilawgii ilaa 55000, oo qof bay saamayn toos ah ku yeelatay, oo dadkii biyo la’aan iyo cunto la’aani ay ka jirtay goboladda qaarkood.
Waxa kaloo warbixintii labaad aanu ku sheegnay in ay saamaysay abaartu, ilaa 110,000 oo qof. Kii soo baxay bishii u danbaysayna 135000, oo qof ayay gaadhay tiradda dadka ay abaarta iyo biyo la’aantu saamysay, ee gurmadka u baahnaa”.
Geesta kale Faysal Cali Sheekh, waxa uu sheegay in a xukuumad ahaan ay caawinta dadka abaatu samaysay ay si wada jir ah uga wada hawl galeen.
“Ka xukuumad ahaan, madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, guddiga heer qaran ee abaaraha, dhamaantayo waanu ka hawl galnay. Waxaana la gaadhsiiyay biyo iyo cuntaba.
Anagu ka haayad ahaan, gobolka Togdheer, iyo meello ka mid ah Saraar, iyo gobolka Sanaag, waxaanu gaadhsiinay raashin. Sidoo kale gobolka Maroodijeex, waxaanu gaadhsiinay raashin” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Sheekh.
Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa isna ka warbixiyay nuxurka kulankii ay la yeesheen guddoomiyaha haayadda kaydka raashinka.
Waxaanu yidhi, “Guud ahaan waxaanu ka waraysanay abaartii ama Jiilaalkii, ka hor intii aanu roobku curran waxyaabihii ay kala kulmeen, iyo saamayntii ay yeelatay, warbixin bay naga siiyeen”.
Guddoomiyaha haayadda aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka waxaa kulankaasi ku wehelinayay xubno ka tirsan komishanka haayadaasi.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.