Somaliland: 13 Qof oo Laga Helay Covid_19 iyo Tirada Guud oo Ku Dhow 500

0
1731

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xuseen Maxamed Yuusuf oo Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in baadhitaan la sameeyay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay xanuunka laga helay 13 Qof oo cusub.

Wuxuu sheegay Xuseen Maxamed Yuusuf in hal Qof oo cusub ka bogsaday Xanuunka.

Madaxa xidhiidhka Dadweynuhu wuxuu sheegay in xanuunku soo yaraanayo “Waxaad mooddaa in Xanuunka soo yaraanayo, Waayo? Tirada (Dadka laga helayaa) way soo yaraanaysaa..” ayuu yidhi.
13-ka Qof ee laga helay xanuunka ayaa Tirada guud ee ka dhigaysa 479 Qof.

Warbixinta guud

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 59
Sadex iyo toban qof (13) ayaa laga helay xanuunka, 13 kuba waa Somalilander. Bukaanadan 11 qof waa rag, 2 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 3qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 9 qof iyo Berbera oo ah 4 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Kow iyo Sideetan (81).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here