Somalia: Qorshaha Amniga Doorashada oo La Shaaciyay

0
1179

Muqdisho (Hargeisa Press) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo saaary qaab dhismeed ku aadan sida loo sugayo amniga doorashada lagu wado inay ka dhacdo Soomaaliya.

Wuxuu dhawaan soo magacaabay guddiga doorashada iyo xallinta khilaafaadka heer federaal xilli Soomaaliya ku jirto diyaargarowga qabashada doorasho dadban.

Guddiga amniga doorashooyinka Soomaaliya ee uu magacaabay Raysal wasaare Rooble waxaa ka mid ah Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliyaha AMISOM, kuwaas oo dhamaantood la sheegay inay ku shaqeyn doonaan amarka Raysal wasaare Rooble.

Waxaa Soomaaliya ka taagnaa khilaafka hadheeyay hanaanka doorashada iyadoo Ra’iisal wasaarahu uu horkacayo dadaallada lagu xallinayo cabashada iyo in Soomaaliya uu gasho doorasho xor ah iyo xalaal ah.

Hoos ka akhriso Qorshaha amniga Doorashooyinka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here