SOCDAALKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO SAFARADDA BOQORADDA CARABTA. Drs. Hoodo Yusuf.

0
910

Sida  xeerarkoodu  qeexayaan  , Boqoradda Carabtu   ’ Arab Sheikhs & Kings “ waxay iska  leeyaheen Dadka, Dalka,  Hantida &  khayraadka  ku jira dalalka ay xukumaan. Marka ay safaro  u baxyaan,  waxa horgala  dhamaan Wasiirdda xukuumadda  . Waxa dabayaaca hawl-wadeenada waawayn muhiimka ah . Waxa hakad gala dhamaan adeegyadda  bulshada , waxaana la xidhaa wadooyinka iyo isu-socodka  gaadiidka.Marka  oo Boqorku  mashruuc  furo ama dhagax dhigo,  waxa  warbaahinta dawladu  baahisa  in kharashka ku baxay mashruucaas uu ku deeqay  Boqorko, kana bixiyay jeebkiisa. Waxa sifooyinkaas oo kale lahaa  Keligood-Taliyaal  ay ka mid ahaayeen  Saddam Xuseein ,Qadaafi iyo Xusni Mubaarak.

Waxa dhabahii   ku taagan Madaxweyne Siilaanyo.Tusaale ahaan , Gobolka Las-Anood waxa    la gaadhsiiyay  “Ambalance  “ ay ku deeqday Hay-adda samafalka “ Red Crescent Society”. Warbaahinta Dawladdu waxay faafisay in Madaxwyne Siilaanyo u soo iibiyay ‘Reer Las-Anod” . Goobahii uu dhagax dhigay,wuxuu sheegtay inay tahay deeqo ka yimid jeebkeesa.Waa cashuurti  danyarta iyo hantidii qaranka ee la xaraashay.

Daba yaaca-yaada waxa  ka dhex muuqday nin dheer  oo ku tilmaaman Wasiirka Arrimaha Dibedda.Wuxuu gabay hawshii qaranku u egmaday . Waxa ku haboonayd inuu  ka dhex ololeeyo Shirarkii  Madaxda Afrika  ee Addis Ababa. May haboonayn inuu ka dhex muuqdo  dugsi hoose oo  laga furay “Gunburta Waraabe Gujis “.Isku soo wada duubo, kharashka iyo baatroolka  ku baxay safarka Madaxwayne  Siilaanyo  &  Dabayaacyada, waxay dabooli lahayd  gargaar ,gurmad,  iyo biyo-dhaamis la gaadhsiiyo Goboladda Galbeedka ee abaartu ku habsatay   “ Gabilay, Awdal & Selel”.

Wuxuu yidhi Luggooyo, oo ka hadlaaya bulshada aan weli baran sida loola    xisaabtamo Madaxda  iyo wax ka bedelka qaab nololeedkooda :  

Haddii aan wuxuun laga qayirin qaabka nolosheena,

Qarnigaa dhamaadiyo ka xiga qaa’im iyo daa’m,

Qadoodi iyo waa lama huraan qax iyo eedaade.

 

 

Drs. Hoodo Yusuf.

yhoodo@yahoo.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here