Siyaasiyiinta Soomaaliya oo ka xumaaday kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Kenya

0
1717

Nairobi (Hargeisa Press)- Siyaasiyiin iyo Warbaahinta Soomaaliya, ayaa ka xumaaday kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Warbaahinta taageerta madaxtooyada dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, ayaa cunfi iyo cadho ka muujiyay xafiiska diblomaasiyadeed ee Somaliland ka furatay Nairobi.

Waxaanay tilmaameen in safaaradaasi ay tahay qorshe ay Kenya cilaaqaad siyasaddeed oo sal balladhan kula yeellanayso Jamhuuriyadda Somaliland.

Kooxahan canaasiirta ah ee taabacsan madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay xukuumadooda ku eedeeyeen in ay rumaysanayaan waraaqaha jaho-wareerinta ah ee Kenya soo saartay.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu yahay hoggaamiye diblimaasi ah oo qunyar socod ah, isla markaana aanay ka hortagi karin dawladda Muqdisho.

Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diblomaasiyadda kaga adkaatay Soomaaliya, waxaanay xafiiskeedii isku xidhka ee “Laison Office”ka u beddeshay xafiis diblomaasiyaddeed oo qabanaya dhammaan shaqada iyo adeegyada ay qabtaan Safaaraduhu.

Somaliland iyo Kenya, ayaa iskuwaafaqay kor u qaadista xidhiidhkooda dhinacyada ganacsiga, ammaanka, ka hortagga argagixisada iyo isdhexgalka ganacsiga gobolka.

Sidoo kalena ra’yulcaamka bulshada Somaliland ayaa ku diirsatay natiijooyinka siyaasaddeed ee ka dhashay booqashada Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo dalka Kenya oo ay tilmaameen inuu si deganaansho leh guullo uga gaadhay ujeeddooyinka guud ee booqashadiisa Kenya.

Warbaahinta Kenya, ayaa si weyn uga faallootay socdaalka diblomaasiyaddeed madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu ay ku joogaan magaalada Nairobi iyo furitaanka Safaarada Somaliland ka furatay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here