Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Urur Siyaasadeed Cusub Ku Dhawaaqay

0
1725

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo magaciisa loogu wan-qalay KAAH.

Ururkan cusub ee KAAH waxaa hogaaminaya siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbul-xaakimka Kulmiye.

Munaasibado kala duwan oo lagu shaacinayay urur siyaasadeedkaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Hargaysa, iyo Boorama.

May be an image of 11 people and people standing

Xafladda shaacinta urur siyaasadeedka KAAH ee Hargaysa ka qabsoontay waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin kala duwan oo qaarkood xilal wasiirnimo uga soo qabteen Somaliland.

Sidoo kale, isla xafladaasi waxaa joogay xildhibaano ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, kuwaasoo qaarkood ay xiligii doorashadoodda ka soo baxeen xisbiyo kala duwan.

May be an image of 6 people and text

Xubnahaasi waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Khadar, oo ka tirsanaa xisbiga Waddani, xildhibaan Axmed Timo-jilic, oo isnaka tirsanaa Waddani, xildhibaan Maxamed Xasan, oo isna ka soo baxay xisbiga UCID, xildhibaan Xasan Laab-saalx, oo ka tirsanaa xisbiga Kulmiye, iyo xildhibaano kale.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadii shaacinta ururka KAAH, ayaa ka waramay qorsheyaasha ururka iyo waxa uu kaga duwan yahay ururrada kale ee ku jira saaxadda siyaasadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in ururka KAAH ay saldhig u tahay wada tashi iyo dimoqraadiyad, isla markaana aanu noqon doonin urur talladiisa ay cid gaar ahi maroorsato.
DAAWO: khudbadii Siyaasi Maxamuud Xaashi:

 

Geesta kale waxaa iyagna xafladaasi hadalo ka jeediyay siyaasiyiintii, aqoon yahankii, iyo marti sharaftii kala duwanaa ee lagu soo casuumay.

DAAWO: Hadaladii Xubnaha kala Duwanaa:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here