Siyaasi Jaamac Shabeel oo Ku Taliyay In Hal Sano Loo Kordhiyo Madaxweyne Biixi

0
1672

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ka hadlay xeerka furista Ururada Siyaasada iyo Asxaabta qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen gollaha Guurtida Somaliland.

Waxaana uu sheegay in doorashada ururada siyaasada iyo asxaabta qaranka la soo hor-mariyo islamarkaana hal sano dib loo dhigo doorashada madaxtinimada.

Siyaasi Jaamac Shabeel, ayaa waxaa kale oo uu ku taliyay in mudo hal sano xilka loogu kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu siyaasigu walaac xoogan uu ka muujiyay mudo dhaafka Xildhibaanada gollaha Guurtida Somaliland ku fadhiyaan.

Siyaasiga, ayaa waxaa uu sheegay in hadii Madaxweyne Biixi uu qabto doorashada gollaha Guurtida uu noqonayo Madaxweyne dhamaystiray isbedelkii la filayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here