Siyaasi Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ku biiray xisbiga WADDANI

0
1565

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa waxaa uu maanta shaaciyay inuu ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Siyaasi Bayle oo ay weheliyaan aqoonyahan uu ka soo jeeda gobalka Awdal, ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, sida ay sheegeen.

Cabdiraxmaan Bayle, ayaa waxuu sheegay in saami qeybsiga reer Awdal ka cabanayaan in xisbiga Waddani uu ka guddoomay inuu wax ka qabto.

Sidoo kale, waxaa uu cadeeyey Bayle in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara, marxaladan ay ku jirtana ka saari kara, sida uu ku dooday.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo dhawaan dib ugu soo laabatay dalka Somaliland, kadib cafis loo fidiyay, ayaa hore xilal Wasiirnimo uga soo qabtay maamuladii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here