Siilaanyo oo safar ku Maraya Deegaanada ku yaalla soohdinta Somaliland iyo Itoobiya

0
889

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maalmihii u dambeeyey safar dheer ku marayey deegaanadda xuduudda ku teedsan ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya.

Safarkan madaxweynuhu ku marayey deegaanada gobolka Awdal, Gabiley iyo kuwo hoos yimaadda gobolka Maroodi jeex ayaa lagu sheegay inuu madxweynihu u kuurgalayo dad iyo xoolahaba deegaanaddaasi ku nool, isagoo inta uu safarka u jiraba wasiir waliba ku soo bandhigayey deegaanada uu marayey waxa uu ka hirgaliyey.

Deegaanada uu marayay waxaa ka mid ah tuulooyinka ku xeeraan xuduudda Somaliland ee koonfurta iyo galbeedka Somaliland, waxaana la sheegay in deegaanadda uu marayey qaar mashaariic xadhiga ka jaray qaar kalan uu u dhagax dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu habeen hore u hoyday magaalo xuduudda Tog wajaale halkaaasi oo uu ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay garoon kubadda cagta ah oo loo dhisi doono Dhalinyarada Degmada Wajaale, halka sidoo kalena uu kormeeray wax soo saarka midhaha beeraha ee Ciidanka Militariga Banka Wajaale, isagoo warbixino faahfaahsana ka dhegaystay wasiirka Beeraha iyo taliyah Ciidankaasi.

Tuulada Geed-balaadh oo uu weftiga Madaxweynuhu sii maray waxa Madaxweynuhu soo kormeeray shaqaale ka tirsan wasaaradda Xanaanada xoolaha oo hawl xoolo daaweyn ah ka waday tuuladaasi iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale,magaalooyinka xuduudda ku yaalla ee uu maray waxa ka mid ahaa degmadda Alla baaday oo uu xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee loo dhisay guriga Martida ee degmada waxaana uu kormeeray halka ay marayso wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Allay-baday iyo Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Xalay waxa uu madaxweynuhu u hoday degmaddda Balligubadle ee dhinaca koonfureed ka xigta magaaladda Hargeysa, isla markaana xadku agmaro, waxaanu uga sii gudbay isla maanta gobolka Togdheer gaar ahaan degmadda Oodweyne oo uu caawa ku beegan yahay.

Safarkan madaxweynuhu wuxu marayaa deegaanada wadooyinka ka baxsan, halkaasi oo dadweynaha ku dhaqan meelo fogaarayaasha ah kala hadlayo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisa ku mari doono gobolo badan oo isugu jira kuwo galbeedka, Koonfurta iyo bariga Somaliland.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inay waftigan ku wehelinayaan wasiiro badan kuwaas oo faaruqiyey xafiisyadoodiii, taas oo ay sheegeen inay ku dhaliilayaan shaqooyinka ay baylihiyeen.

Sdioo kale, madaxweynaha Somaliland waxay ku dhaliileen inuu markii uu Boorama tagay uu saacaddo kooban joogay, isla markaana hawlihii laga sugayey ee xaga odayaasha ahaa aanu waxjawaab ah siin, inkastoo madaxweynuhu gobolka Awdal uu ka maray degmadda Dilla, Baki iyo Boorama oo uu habeen hore ka soo caraabay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here