Madaxweyne siilaanyo oo dalka madaxweyne u ahaa mudo haatan ku dhow shan sano ayaa ah madaxweynihii ka run sheegay balanqaadyadii uu sameeyay kolkii uu ahaa gudoomiyaha iyo murshaxa xusbiga kulmiye ee ahaa mucaaridka waqtigaas haatana ah xisbul xaakimka talada dalka haya.
Balan qaadyadaas waxa ka mid ahaa in uu furi doono ururada siyaasiga ah oo dib loosoo dhisi doono sadex xisbi qaran taasoo ku mudaysnay tobankii sano in hal mar dib loo furo ururada siyaasida, hadaba siilaanyo isaga oo ka duulaaya doonista shacbiga iyo inaanay marnaba haboonayn in ay sadex xusbi qaran oo kaliyi hortaagnaadaan umada aya waxa uu go’aansaday inuu magacaabo gudi kasoo talo bixisa rabitaanka bulshada eek u aadan furitaanka ururada siyaasiga ah.
Kadib kolkii uu madaxweynuhu magacaabay gudidan ayaa waxay bilaabeen sidii ay u heli lahaayeen xogta dhabta iyo doonista shacabka eek u aadan barnaamijkan, xog ururin badan oo ay ka sameeyeen dhamaan gobolada dalka iyagoo kulamo badan la sameeyay aqoonyahan dalka iyo ardayda jaamacada dalka ayaa waxa soo baxday natiijadii ugu danbaysay ee ay gudidu u gudbisay madaxweynaha oo kolkaas laga filaayay inuu ka qaato go’aan kama danbays ah.
Go’aankii gudidu gudbisay oo ahaa rabitaanka umada oo tilmaamaayay inay umadu baahi weyn u qabto furshada ururada siyaasiga ah ayaa waxa intaa kadib soo baxay wareegto uu madaxweynuhu ku amraayo in dib loo furo ururada siyaasiga ah isagoo qiimaynaaya rabitaanka dadweynaha.
Madaxweynihii sababta u ahaa in urur siyaasadeedkii Wadani ka mid noqdo xisbiyada sadexda ah ee qaranka miyuu maanta sabab u noqon karaa dib u dhac ku yimaada doorashada iyadoo sidaynu wada ogsoonahay uu dhamaystiray dhamaan wixii sharci, dhaqaale iyo farsamo ahaanba ku xidhnaa golahiisa fulinta.
Hadaba xusbiyadaas aan mucaaridka ah waxa ka mid ah qaar ay madaxdooda hogaaminaysaa hadba ay dirayaan fariimo ay ku socodsiinayaan qaar ka mid ah dalalka reer yurub kuwaasoo ku sheegaaya arimo keeni kara burbur ku yimaada qaranka, marka uu dhaliil ka sheegaayo ciidan uu qaran kani leeyahay ee uu diraayo fariimo lidi ku ah ma waxa uu doonayaa inuu madaxweyne ka noqdo dal uu isagu burburinaayo.
Nidaamka iyo kala danbayntu waxay muhiim u tahay jiritaanka qaranka, hadii la waayo wax kala soconayaa ma jiraan, hadii ka bulsho ahaan aan aragno cid lidi ku ah geediga aanu ku hiigsanayno harumarka waxa nala gudboon inaanu iska qabo cod dheer iyo mid gaabana aan ugu sheegno bulshada inteeda kale.
Lagasoo bilaabo madaxwenihii hore ee cigaal oo sida la wada ogsoonyahay tiroba dhawr jeer loo mudo kordhiyay laguna xigsiiyo madaxweynihii hore ee rayeela oo isagana sidaynu ognahay loo kordhiyay mudo kordhin, dhanka kale golihii deegaanka ee hore oo iyaguna kursiga ku fadhiyay toban sano, golaha baar lamaanka haatan fadhiya oo ilaa haatan dad hortaagan mudo dhan toban sano imikana u diyaar garoobaaya mudo kordhin kale oo loogu daro, marka waxaas oo dhan la eego oo ay sababahooda ay leeyihii inta ugu badan golaha wakiilada oo garan la’ shaqadooda loo igmaday kana mashquulay barnaamijkoodii sharci dejin ayaa waxa dhaliisha la saarayaa cid aan shaqaba ku lahayn.
Madaxweynaha waa loo kordhinayaa sharcigii uu ku yimi ee uu sidiisa u fuliyay ee aanay jirin waxa isaga ku habsaamay ayaa faraya in loo sameeyo mudo kordhin, mudoda danbe ee loo igmado ayaanu dalka sii wadaya ilaa uu kaga tago sharcigii iyo bulshadii soo dooratay.
Xamda luul
xamds.xaashi@gmail.com