Siduu Yahay Silaanyo Sabankan Aan Joogno Iyo Siyaasi La’aanta, Hadaba Yaa Inoo Sargoyn Arrimahan Is Wada Sudhan Qalinkii: Cabdiraxmaan Cilmi

0
979

Asalaamu calaykum salaan ka dib waxaa aan jeclays tahay inaan qalanka u qaato arrimaha taagan ee dhinaca siyaasada taasi oo ku qotanta hogaaminta qarankan somaliland oo ka turjumaysa masiirka umada oo dhan inta ay ka kooban tahay jamhuurida somlailand waana arrin masuul uu ka yahay shakhsi kasta oo muwaadin ah .
hadaba waxaa jira qabyo fara badan oo muuqata oo inta badan aan dadku waxba iska waydiin waan arragnaa oo waan ka wada dharagsanahay siyaasiyiinta saaxada joogta ee uu tartamaya doorashada madaxtooyada oo ah tiirka ugu sareeya ee laga hago qaranka,inta badan dooda siyaasiyiinta ama shacabku waxaa ay ku soo noqnotaa goorma ayaa doorasho la qabanayaa, waa in xiligeeda la qabtaa ,xeerbaa qabyo ah ee waa in la ansixiyaa iyo hirdan faro badan oo ka dhaxeeya siyaasiinta saaxada joogta iyo shacabkoo ku kala qaybsan.
nuxurka aan ugu socdaa waxaa weeyi dadwaynuhu ma fahmay xaga loo socdo iyo cida geeda gadhwadeen ka noqon lahayd hadii laga gudbo caqbadaha jira marka laga tago nin jeclaysi iyo nin necbaysi iyo anaa reer habela siyaasada ku qotanta ee xeeladaysan,jawaabtu waa maya ee waxaa ina haysata jibo aan jaho lahayn.
muhiimada aan uga socdaa waxaa weeyi saaxiib bal qiime sadexda hogaan iyo xulufadooda waa xisbiyadee iyo awoodahooda siyaasiga ah iyo afkaarta ay xambaarsan yihiin,
si fiican ayaan u daalacanay hogaaminta axmed maxamed maxamuud siilaanyo wixii u qabsoomay ee waajib ku ahaa iyo wixii ka qaldan gaar ahaan xaga hogaaminta iyo siyaasada.
si fiican ayaan u la socanaa labada xisbi mucaarid hogaanadooda u sharaxan jagada madaxwaynaha iyo awoodahooda siyaasiga ah ee xisbiyadooda.
hadaba muwaadin mucaarid imika joogaa maleeyihiin awood siyaasiya oo ay iskaga caabiyaan xukaamada talada haysa iyo madaxwayne siilaanyo waxaan qabaa jawaab tu inay tahay maya sobobtoo ah hadii aan dib u milicsano taariikhdii siyaasdeed ee kulmiye wakhtigii uu mucaaridka ahaa oo uu u tartamayay hogaanka dalka, waxaa uu watay farshaxanimo siyaasadeed oo u qalmaysay nidaam dawliya marka loo eego cilaaqaadka uu la lahaa beesha caalamka iyo dawldaha ugu cudada wayn dunida iyo qaabka isu xidhka bulshada iyo xisbiga oo aad moodo inay aad uga tayaysnaayeen xisbiyada imaka waxaa intaa u dheerayd yoolka siyaasiga ah ee uu kulmiye ku shaqaynayay wakhtigaa oo uu qaabab fara badan qolofta uga qaadayay meelkasta oo ay boog ku leedahayd xukuumadii hore isaga siilaano qaniinyadiisii mucaaridnimo gudo iyo dibadba ay hooto ka dhigtay xukuumadii xiligaa.
si kasta ha u soo dhigo siiraanyo siyaasadii sabankaa waa ta dhaxal siisay kursiga uu ku fadhiyo maanta iyada oo kicisay mawjado taageersan oo shacaba,hadii aan u soo noqdo labada xisbi mucaarid ee maanta joogaa ma leeyihiin awoodii wakhtigaa se door intee leeg ayay ka qaataan inay ka hortagaan ama beesha caalamka dhawaaq dheer ugu sheegaan khaladaadka ka dhaca xukuumada .hadii ay tahay cabudhinta saxaafada,xuquuqal iinsaanka hashiisyada caalmaiga ah ee ay gasho xukaamadu ,ku tagrifalka hantida qaranka.
ma qabo inay shaqaysteen xisbiyada mucaaridku sabobtoo ah maaaha mucaaridnidu in loo ordo uun kuraasta ee shaqo badan oo ka qabyo ah baa jirta oo qaranku mudo tabayay waxaanay yihiin tiir muhiima,arintaasi waxay dhaxalsiin lahayd inay hantaan shacabka hadii sidii loogu talo galay u shaqan lahaayeen sidaa awgeed wax wayn ayaa ka qabyo ah xisbiyada mucaaridka.
dhinac kale waxaa jirta saluug fara badan oo la xidhiidha xisbi xaakimka sidaa khilaaf faro badan oo ragaadiyay kulmiye mudooyinkan danbe iyo siilaanyo oo halwo badan oo fulinteeda iyo awoodeeda lahaa ay isticmaalaan wasiiradiisu waxaana halkaa ka muuqda dayac faro badan oo shacabku saluugeen,waan aragnaa inaanay jirin siyaasad isu dheeli tiran oo iska caabisa kulmiye iyo qaladaadka jira hadaba saaka yaa inoo sargoyn arrimahan is wada sudhan shacabkaygoow, maxaa se looga baahan yahay shacabka iyadoo aan odhan karo.shacabku wuxuu lee yahay waayo argnimo ku filan taasi oo ay dhaxalsiisay waayuhu iyo dhaqamada siyaasada ee dalkeenu.ma lihi shacabku yaanu codaynin , waan codaynaynaa laakiin digniin iga hooya.
yaan si fudud la inoogu guurin.yaan durmaan iyo doolar ii dhimo ah laynagu duufsan,
yaan dilaal inoo soo dusin danayste siyaasiyii darafkuu doono ha ahaadee.
la soco qaybaha denbe…..

 

Cabdiraxmaan Cilmi Kaahin
hargiesa Somaliland
wehel2010@hotmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here