Sidee Ciidanka Booliska JSL, Uga Soo Baxay, Fulinta Amaradii Xayiraada Qaad Joojinta iyo Go’aamadii Ciida Ee Gudida Covid_19

0
1496

Ciidanka Booliska JSL, oo mudooyinkan ugu danbeeyey, aad ugu hawlanaa, hawlo qaran oo culus oo uu sababay, xanuunkan baahay ee Covid19, oo guud ahaan dunida saamayn taban oo xadka dhaaftay ku keenay, kaasi oo qarankeenan curdinka ahna dhinac kasta ka saameeyey.

Ciidanka Booliska JSL, oo halbawle u noqday, xakamaynta iyo ka hortaga faafitaanka cudurkan Covid19, ayaa waxa ay sameeyeen dadaal mug iyo miisaan culus kaasi oo ay, sdii ugu fiicnayd uga soo baxeen waajibaadkoodii shaqo iyo mid 100 jeer kasii badan-ba.

Ciidanka Booliska JSL, oo mudadii koobnayd ee uu joogay Taliyaha cusub ee haatan hogaamiya, ay bulshadu aad uga mahad sheegatay,  isla markaasina ay qirtay, dadaalkooda shaqo iyo sida ay heeganka ugu yihiin waajibkooda qaran, ayaa waxa mucjiso kale oo bulshadu ku diirsatay noqotay qaabkii ay ku waajaheen, hawlgalkii cuslaa ee xayiraada qaadka ee ay soo rogtay gudida ka hortaga xanuunka Covid19, taasi oo indhaha caalamka tustay awooda iyo kartida muga leh ee ay leeyihiin Ciidanka Booliska JSL.

Sidoo kale waxa iyaduna dhacdo taariikhiya noqotay, qaabkii ay Ciidanka Booliska JSL, uga hawlgaleen, amarkii cuslaa ee xayiraada dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo isku imaatinka bulshada ee goobaha lagu tukado salaada ciida iyo goobaha kale ee bulshada tirada badani iskugu yimaadaan maalmaha farxada ciida, ee ay soo rogtay gudida ka hortaga xanuunka Covid19.

Waaberigii hore ee subaxnimada Ciida, ayaa bulshadu ku waa-bariistay, heegaan culus oo Ciidanka Booliska JSL, ku xakamaynayaan guud ahaan goobihii lagu tukan jiray salaada Ciida, Jidadkii muhiimka ahaa iyo Barihii Kaantaroolada gaadiidka ee baabuurta dalka u kala socdaalaysaa isticmaalaysay iyo sidoo kale goobihii ay ku yaaleen meelaha caruurta lagu ciyaarsiiyo ee magaalooyinka waa-weyn ee dalka.

Arintan danbe oo ahayd hawlgal aad uga sii culus kii ka horeeyey ee xayiraada qaadka, ayaa Ciidanka Booliska JSL, waxa ay uga soo baxeen, sidii loo baahnaa iyo si kasii dadaal iyo karti badan, iyagoo isla markaasina si layaable uga hawlgalay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo isla markaasina bulshadooda ula dhaqmaaya si naxariis iyo daryeel badan, taasi oo sababtay in  aanay dhicin goob kaliya oo bulshadu kaga soo cabatay inay ciidanku xoog u isticmaaleen isla markaasina rabash ka dhacay.

Hadaba, waxaan halkan hambalyo mugle uga dirayaa guud ahaan, Ciidanka Booliska Qaranka JSL, anigoo si gaarana u hambalyeynaaya, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska JSL, Mudane.Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) oo mudadii koobnayd ee uu hogaaminta ciidanka joogay, sameeyey isbedel weyn oo mugle iyo hogaamin hufan oo bulshadu aad ugu diirsatay.

Sidoo kale waxa iyaguna amaan mudan, dhamaan bulsho weynta reer Somaliland, oo aad moodo inay imika fahmeen, culayska shaqada ay inoo hayaan Ciidanka Booliska JSL iyo qiimaha ay qaranka ugu fadhiyaan-ba, iyagoo isla markaasina la shaqeeya una hogaansama amarada iyo hawlgalada ay ciidanku fulinayaan.

Miyir Cali Xuseen
miyircali@gmail.com
Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here