Halkee Ayuu Marayaa Dhismaha Jidka Isku Xidha Salaxley iyo Hargaysa

0
938

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha guddiga dhismaha Dawga Cad ee isku xidha Salaxley iyo Hargaysa ayaa ka warbixiyay halka ay marayso hawsha dhismaha jidkaasi iyo waxyaabaha ka dhiman.

Jidka isku xidha Salaxley iyo Hargaysa oo dhererkiisu yahay 70 KM ayaa Laami laga dhigay 39 KM oo ka mida ah, taasoo 21 KM oo ka mida la dhigay Carro-kaawo.

Halka 6-da KM ee  hadhay oo shalay la bilaabayna la qorsheeyay in lagu dhamaystiro Carro-kaawadda muddo laba todobaad ah. Sida uu sheegay  Eng. C/rasaaq Maxamed Faarax (Wii-waa), oo shalay warbaahinta dawladda la hadlay.

Waxaanu sheegay in lacagta ugu badan ee la geliyay dhismaha jidkaasi ay bixiyeen dadka deegaankaasi u dhashay  iyo dad kaloo muxsiniin ah. Iyadoo xukuumadii Axmed Siilaanyo ay bixisay 7000 kun oo dollar, halka xukuumadda hadda talladda wadanka haysa ee madaxweyne Muuse Biixi-na ay bixisay 1000 kun oo dollar.

Daawo: Eng. Wii-waa Oo Ka Warbixinaya Dhismaha Jidkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here