Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland si rasmi ah uga furmay Shirwaynaha 1aad ee Urur Siyaasadeedka BARWAAQO oo ka mid ah urur-siyaasadeedyada Somaliland.
Shirweynahan urur siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa waxaa ka soo qayb galay hoggaanka ururka, masuuliyiinta urur siyaasadeedyada kale ee dalka siyaasiyiin, aqoonyahan, madax-dhaqameed, haween iyo dadweyne aad u tiro badan.
Shirweynahan, ayaa sidoo kale lagu doortay hoggaanka ururka, iyadoo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo loo doortay Dr Mohamed Abdi Yusuf Gaboose.
Hoos ka daawo muuqaalka