Shirkaddaha Somcable iyo MSG oo ka qayb-galay Shirweynaha ICT-ga

0
759

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkaddaha Somcable iyo MSG oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee ka jira dalka Somaliland, ayaa ka qayb galay Shirweynihii 6aad ee ICT-ga Somaliland oo maanta ka furmay magaaladda Hargeysa.

Shirkadda, ayaa madasha kulanka shirweynaha ku soo bandhigtay adoogyadii hore looga bartay iyo adeegyo cusub oo ay dalka ku soo kordhiyeen ee bulshada ugu talo galeen.

Guddoomiyaha Shirkaddaha Somcable iyo MSG, Cabdiraxiin Maxamed Cumar oo madasha shirweynaha hadal ka jeediyay, ayaa soo bandhigay tacabka weyn ee ay ka shirkad ahaan geliyeen dalka Somaliland.

Waxaanu sheegay in Shirkaddaha Somcable iyo MSG ay yihiin Shirkaddihii ugu horreysay ee dalka Somaliland keenay adeega Internetka ee xawaarihiisu sareeyo ee loo yaqaano Fiber Optic-ga.

Guddoomiyaha shirkaddaha Somcable iyo MSG, ayaa si qoto dheer isku dul taagay sida ay ka shirkad ahaan ugu diyaarsan yihiin uguna heelan yihiin raali gelinta macaamiishooda.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Shirkadda Somcable ay markii ugu horreysay Somaliland keentay xadhiga Internetka ee Fiber Optic-ga, kaas oo lagaga baxay baahida dhinaca adeega Internetka ee shacabka Somaliland haysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here