Shirkadda Telesom Group Oo Nus Malyuun Dollar Ugu Deeqday Gudiga Taakuleynta Abaaraha Ee Heer Qaran + SAWIRRO

0
1487
Madaxa Shirkadaha Telesom

 “Adeega  ZAAD oo Noqoday  Ganacsadihii Ugu Deeqdda BadanaaTaakuleynta Abaaraha”

Hargeysa,(HargeisaPress) —Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta ugu deeqday taakulaynta abaaraha abaaraha baahsan ee saameeyey Goboladda  Somaliland taas oo ahayd  Deeq dii ugu badnayd ee lagu wareejiyo gudiga abaaraha , lacagtan oo dhan 500,000.00 usd (shan boqol oo kun oo dollar) taas oo loogu deeqay dadka dhibaatadu ka soo gaadhay abaaraha ,

Munaasibadda lagu wareejinaayey deeqdan waxaa  ka soo qayb galay , Wasiirka Wasaaradda  Maaliyada Marwo  Samsam Cabdi Aden , Wasasiirka W. Ganacsiga  Dr. Cumar Shucayb, Wasiirka Wasaaradda Diintea iyo Awqaafta Sh.Khaliil C/laahi, Gudoomiyaha ruggta ganacsiga , madaxda  Shirkadaha Telesom iyo Gudiga Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland , xafladda deeqda lagu wareejineyey ugu  horayn waxa ka hadlay Guddoomiyaha ee shirkadaha  Telesom Group Mudane  CABDIKARIN MAXAMED EID hadaladiisina waxa kamid aha.

Waad ogtihiin dalka ilaa sanadkii hore in duruufo abaareed oo ba an ay ka jireen, waxaana dhamaanteen  waajib inagu ah walaalaheena tabaalaysan in aynu u gargaarno ,iyadoo taas aanu ka duulayno shirkad ahaan ayaanu muddoka  tashanayney madaxda gobolada iyo shaqaalo waynaha shirkada, taladii waxay ku soo ururtey, in abaarta  ilaahay (swt) isagu  umadda u ka  kaafiyo karo uu ka soo jebin karo, Hadana wixii taagta shirkad ahaan , shaqaalo ahaan iyo masuuliyad ahaan na saaran waa inaanu kaga qayb qaadano, anaga oo ah Shirkaddaha Telesom Group ( TELESOM, DARASALAM BANK, SOMGAS, iyo shirkada laydhka ee TEC) iyo shaqaale waynohooda, in muddo saddex bilood ah shaqaaluhu mushaharkooda uu qaybo ka mida u jaro dadka walaalahooda ee abaartu tabaalaysay, madaxda shirkadaha, Saamlilyeda iyo shirkaduba ay  wax ku daraan , taas oo markii aanu isku gaynay noqotey lacag dhan ( shan boqol oo kun oo doolar-500,000.00 USD). Waxaan ognahay runtii inay noqonayso dhibic bad ku dhacday , laakin waxaan isleenahay hanoqoto  dhibicda ugu khayr badan ayuu ishaa allaah ilaah ka dhigi doonaa,

Waxaan halkan ka odhan lahaa kalmad dardaaran ah madaxda iyio shaqaalo waynaha shirkada in ay si dhaw ula socdaan dadkaa walaalahooda ee tabaalaysan, goob walba oo ay joogaana ugu naxariistaan , lacagtii ay soo bixiyeena ishaa allaah sidii loogu talay galay meel walbaba wixii ay ka gaadhi karto loo gaadhsiin doono ishaa allaah.

Waxa isaguna ka hadlay Gudoomiye ku xigeen Gudiga Abaaaraha Heer Qaran ee Somaliland Sheekh  Xasan  Cabdisalaan Sheekh cali

Ilaahay ayaa marka hore u mahadnaqaynaa , mar labaadka waxay u mahadnaqaynaa  shirkadaha TELESOM GROUP,  mahadnaqa  Aynu shirkada telesom u mahdanaqaynaa waa mid ay mutaysteen, waxaanan leenahay jazaa kalaahu khayr, Waa sunne wanaagsan iyo hormood nimo ay Telesom leedahay, deeqdaas ay Telesom maanta bixisay waa deeq  miisaan leh oo culeys badan leh, waana  deeqihii ay dawladuhu bixin jireen,

Waxa kale oo iyaduna ka hadashay deeqdaas ay shirkada Telesom Group ku  wareejinaysay  gudiga abaaraha heer qaran Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL Marwo  Samsam Cabdi Aaden waxana hadaladeedii ka mid ahaa.

Runtii Telesom waxay la leedahay dareen dhaw ummadda reer Somaliland, iyada oo la qaybsada duruufaha kala duwan ee dadkeenu ku jiraan  runtii wax badan oo aan ahayn lacagta maanta ayay umadda u hayaan oo ay ugu horayso Isgaadhsiinta oo ah waxa ay maanta dad badan oo abaataasi saamaysay ku badbaadaan iyaga oo la xidhiidhaya dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, dadku inay dadkoodii la hadlaan oo caafimaad qabkoodii u sheegaan oo waxay u baahan yihiin u sheegaan  runtii markaa wax wayn bay ka tartey.

Tan aad maanta keenteena waa tu aad iyo aad inoo  tusaysa in TELESOM Group Naxariis dhaw u leedahay dadka Somaliland, waayo shirkad maanta 500,000 oo dollar bixisay oo markii horena ka qayb gashay  runtii ma jirto oo aan Telesom ahayn. Markaa aad iyo aad ayaan idinku mahadnaqaynaa aad baanan idinku amaanaynaa waanan idinka gudooney, runtiin waxaanu jecelahay inaad nala qabataan hawsha , oo aad ogaataan dhibaatada jirta iyo markaad meel wax gayso sidey u adag tahay .waxaan idinku amaanaynaa oo aan idinku mahadnaqaynaa in halkaad ka soo saarteen alle wax khayr qaba idinku badallo.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed  Shukri waxa hadalkiisa ka mid ahaa,  waa deeqdii ugu waynay ee ay cidi bixiso marka laga reebo dawladeena , waa meelihii ay diinteenu banaysay in lagu beratemo, waxaan filayaa in ganacsatadeena kale sida caadadu ahaan jirtey in dareenkaa telesom oo kale xambaarsan yihiin, waxaan ogsoonahay  shirkada Telesom  waxay ka mid tahay shirkada ugu balaadhan tuulo walba way joogtaa degmo walba way joogtaa , gobol walbana way joogtaa, baahiduna meel walba way taalaa.

Wasiirka Diinta iyo  Awqaafta JSL Sh.  Khaliil Abdillaahi  salaam iyo mahadnaq kadib waxa uu wasiirku sheegay In ay deeqdan tahay tii ugu waynady ee ganacsato bixiso  intii aynu ku jirnay hawlaha abaaraha, waxana weeyaan dareen qiimo leh oo ay shirkaddu inoogu yeedhay in aan ka gudoono, waxana uu wasiirku sheegay in ay xaqiiqtahay in sadaqadaasi ay gaadhi doonto dadkii loogu talogalay inta karaankooda ah, idinkuna aad goob joog ka ahaan doontaan laamihiina haday tahay iyo tiimka faraha badan ee ka shaqeynayaba tahay, runti sadaqadani waa ta la muujiyo waana tii nabigu sheegay  (SCW) ee maanta ku haboon in aynu muujino waayo sadaqadda marna waa la qariyaa marna waa la muujiya, ilaahayba inoo tilmaamay sadaqadda hadii aad muujinaysaan, wax mararka qaar kood mudan in la muujiyo, waayo ku dayasho ayay mudan tahay oo waa lagu daynayaa, musataqbalka umadeenu inuu fiican yahay oo khayer badani inuu ku hadhay ayay tilmaamaysaa. Hadaynu runtii is kaashano, oo qofkastaa intuu bixin karayo uu bixiyo marka aynu isku darno  mujmiicisu wax wayn ayuu tarayaa, dadkeenana waan kaaftoomin karaynaa. Markaa dhiirigalintaa aad dadkiina dhiirigaliseena waan idinku mahadnaqynaa,  ilaahayna waxan idinka baraynaa halkaad ka soo saarteen in badel khayr qaba idiin galiyo. Waana xaqiiq in ilaahay inuu idiin badelayo, oo ilaahay ayaa inoo sheeg in sadaqadda marka aynu bixin in ilaahay soo badeyo, waana ku mahadsan tihiin gudoon fiicana ayaanu idin leenahay.

Waxa isaguna goobta ka hadlay  Cabdilaahi Baaruud  oo kamid ah saamileyda shirkada TELESOM, hadaladiisiina waxa ka mid ah,  anigoo ku hadlaaya magaca saamilayda shirkad Telesom group waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay wax bixinta aad bixiseen ee qadarka lacagta intaas leeg,  hadanu nahay saamileyda waxaanu bixiney waa wax naga sii horeeya,saddaqad na noo ah taas oo aanu horena u bixin jirney, waxa xasuusin muddan “ inanka ZAAD la yidhaa hadaanu jirin abaaraha waxba la isma gaadhsiiyeen,  ilaahay inankaa ZAAD ha barakeeyo”

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr:Cumar shucayb  oo ka hadlay goobta deeqda lagu wareejinayay,  hadaladiisa waxa kamida, waxaan halkan ugu mahadnaqayaa shirkada telesom oo noogu yeedhay taakulayn dadka abaaruhu saameeyeen , shirkada telesom abaartuun kuma koobna waxay ka qayb qaadataa Adeegyada kale oo bulshadu u baahan tahay, waan wax ku dayasho mudan, anigu hadaan ahay wasiirka ganacsiga waxyaabaha aan eego waxa kamid shaqaalaysiinta, taasna shirkada telesom qayb wayn ayay ka tahay shaqaalaysiinta,waanan ku hambalyeenayaa.

Gudoomiyaha ku xigeenka fulinta ee shirkada Ttelesom mudane Faarax sugaal oo xaflada deeqda lagu gudoonsiineyey gudiga abaarha waxa hadalkiisana ka mid ahaa, shaqaalaha TELESOM GROUP  maaha markii ugu horeysay Ay wax bixiyaan, waa dhaqanka wanaagsan ee ay shirkada dhexdeeda ka barteen, oo ay ku tababarteen , maaliyada ay shirkadu bixinayso shaqaaluhu qayb libaax ayay ka qaateen, ama ha joogaan gobolada ama ha jogaan Hargeysa, somalidu waxay ku maahmaahdaa maanta oo kale markay tanoo kale dhacdo “Ninkii wax hayaa ama wuu ku ceeboowaa , ama wuu ku caydhoobaa” hadaanu nahay shaqaalo waynaha shirkada telesom waxanu istusnay inaan ku caydhoobeen wax bixintaa waxna aanay na yeelayn,

Arintan waxa hormuud ka ahaa odayaasha board ka , waxaan iyaguna waafaqay odayaasha ka hooseysa, waxaan iyaguna qayb ka ahaa madaxda laamaha iyo qaybaha, waanu isla wadda aqbalnay shaqaalo waynihiina wuu nala qaatey ,arintan waxay u baaqaynaa shirkadaha kale ee nala mid ah, iyagoo hore u bixiyey oo laba jeer iyo 3jeerba bixiyey, waxaan leenahay dhibaatadii ma dhamaan hadaabey soo xoogaysanaysaa, abaarta hadii alle inaga soo furanin hadey kow tahay.

Sheekh maxamed aden

Runtii waxa aad halkan halkan looga dhawaajiyey in shirkada telesom inoo yeedhay , lacagtii ay bixin lahaayeen ganacsatadu bixin lahayd tii u badnayd ay maanta shirkada telesom bixisey,  abaartii hore markii ganacsatada u yeedhnay ee aanu wax ka qaadney,  ee wixii aanu markii hore ka ururinay naga dhamaadeen mar labaadkii shirkadda Telesom ayaa  ahayd cidii noo bilawday ee anaga oo aan u yeedhin mar labaad noogu deeqday, maantana waa idiin muuqata sida ay nooga farxiyeen oo anaga oo jeebkayagii gegebo marayo inta ay noo yeedheen oo xafiiskoodii noogu yeedheen ay noogu deeqeen lacagtii ugu badnayn ee Ganasato bixiso, allah ayaan uga baryaynaa inuu u barakeeyo, dhinaca kale waxaan hore u sheegay maantana aan ku celinayaa Lacagihii ay ganacsatadu na siiyeen marka lagu daro Telesom oo la isu wada geeyey waxaa ka lacag badnaa Lacagta uu nasiiyey Ganacsadaha ZAAD oo aanu u aqoonsanay inuu yahay Ganacsade aan habeen iyo maalinba naga gacan madhnayn meel kastana nala jooga.

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here