Shirkadda Dahabshiil Group Oo Bilowdey Diiwaangalinta Adeega E- Dahab oo ah Mobile-Payment Casriyeysan

0
1816

Dahabshiil GroupHargeysa, (HargeisaPress) — Shirkada Dahabshiil oo kamid ah Shirkadaha Xawaalada iyo Sarifka lacagaha ee macaamiisha faraha badan ay ku leeyihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada Reer Somaliland ayaa, markii u horeysay bilowdey adeegyada Mobile-Payment Casriyeysan oo loo isticmaalayo Adeega Isgaadhsiinta Somtel taas, oo diiwaangalinteedu maalmihii u dambeeyay ka socotey Xarumaha iyo Laamaha Shirkada Dahabshiil ee gudaha Caasimada Hargeysa.
Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha macaamiisha u ah Shirkada Dahabshiil oo HargeisaPress.com uga waramey barnaamijkan cusub ee Shirkada dahabshiil ku bilowday Adeega E – Dahabka ayaa sheegay, in ay soo dhaweynayaan isticmaalka adeegan E – Dahabka oo Shirkada Dahabshiil iyo Shirkada Isgaadhsiinta Somtel iska kaashanayaan waxaanay sheegeen in loo baahnaa in dadka Isticmaala bankiyada Dahabshiil ee lacagaha dhigtaan iyo adeegyada isgaadhsiinta Somtel ay kuwada isticmaali karaan Adeega Mobile-Payment Casriyeysan ama moobilka lagaga isticmaalo lacagaha inaad kala bixi karto accountkaaga.

E- Dahab oo ah mobile -payment dhamays tiran oo casriyeysan oo aamina kana duwan kuwii horena kaga duwan lacagtaada kuugu jirta E-Dahab aanay noqondoonin mid hawada calaa faashuush ah,  laakiin ay tahay Acount lacagtaadu ay kuugu jirto dahabshiil oo aad markaad u baahato aad kala bixi kartid Dahabshiil hadii aad ku sidatid Mopile-paymentigaagana waad kala bixi kartaa waxaanuu kuu adeegayaa inta caadiga ah ee aad taqaanaan ee shirkaduhu ku shaqeeyaan, waxa dheer intaa Acounkaagii oo aad kala bixi kartid kuna shuban kartid oo hadii dahabshiil lacagi kuugu jirto adoo gurigaagi fadhiya ayaad kala baxaysaa , waanaad ku shubanaysaa xawaaladii guduhuna wey kuu soo dhacaysaa adigoo halkaagii fadhiyana  xawaaladii dibada waad diranaysaa adeegana waxa uu noo diyaar ahaa janweri  dhab ah waan idinku tusi karaa Mopile-baymentigayaga”

Waa markii u horeysay ee Adeegan ay Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel ka bilaabaan Somaliland iyadoo qeyb ka noqon doonta in dadku moobilada ay ka isticmaali karaan in ay adeega E-Dahab isku diraan Isticmaalka Isgaadhsiinta Adeega Telefoonada Somtel.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here