Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) ee dalka keentay internet-ka casriga ah isla markaana xawaariiisu sareeyo ee fiber Optic-ga ayaa dhamaan Umadda Islaamka iyo Shacbiga Somaliland ba u soo dirtay hambalyo ku aadan Munaasibada Ciidal-fidriga ee sanadka 1437 oo bari Arabacada dunida islaamka oo dhan laga ciidi doono.
Dhambaalkaa hambalyada ah oo ay shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) ay saxaafada soo gaadhsiisay ayaa waxa uu dhiganaa sidan:
“KULI CAAM WA ANTUM BI KAYR
Shirkadda SO! Sogasho (Powered by Somcable) waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa dhamaan umadda islaamka ee ku nool daafaha dunida gaar ahaan shacbiga Somaliland munaasibada Ciidal-fidriga ee sanadka 1437 awgeed.
Waxaanay Shirkadu alle uga baryaysaa dhamaan umadda Muslimiinta ah inuu Alle (SWT) inaga aqbalo Acmaashii saalaxa ahayd ee aynu gudanay bisha Ramadaan, isla markaana uu Ciida-ciiddeeda inagu gaadhsiiyo Bash-bash Barwaaqo iyo horumar. Shirkaddu waxa kale oo ay hambalyo gaar ah u diraysaa Macaamiisheeda qaaliga ah ee isticmaala adeegyadu shirkadu bixiso taas oo ay shirkadu leedahay ku Ciidda Caafimaad qab iyo farxad.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Xamse Gaaxnuug Caydiid
Madaxa Qaybta Xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Somcable”