Shirkada Raven law firm Oo Ka Qaybgashay Shir Caalamiya oo ka Dhacay Dalka Rwanda + SAWIRRO

0
750

Kigali,(HargeisaPress)– Shirkada Raven law firm oo ah shirkad bixisa adeegyada sharci oo ka dhisan Somaliland ayaa ka qayb gashay Shir caalamiya oo ka dhacay Caasimada dalka Rwanda ee Kigali.

Shirkadda addeegyada sharci ee Raven Law Firm ayaa kamid ahayd shirkadaha loo xushay ka qaybgalka shirka shuruucda iyo tijnoolojiyada ee Qaarada Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐋𝐚𝐰 𝐚𝐧𝐝 𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐍𝐞𝐭𝐰𝐨𝐫𝐤 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟓) oo sanadkani ka qabsoomayay Kigali, Rwanda.

Shirkadda oo 𝟐𝟑-𝐅𝐞𝐛𝐫𝐮𝐚𝐫𝐲 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓 laga aasaasay Somaliland ayaa markii ugu horaysay bilowday qorshe lagu hirgelinayo nidaamka dacwadaha ee tijnoolojiyada ku dhisan (𝐞𝐥𝐞𝐜𝐭𝐫𝐨𝐧𝐢𝐜 𝐜𝐚𝐬𝐞 𝐦𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) kaasi oo macaamiisha fursad u siinayay inay dacwadahooda kala socdaan daafaha dunida, una soo jiiday in lagu martiqaado ka qaybgalka shirkan caalamiga ah.

Masuuliyiinta shirkada ka socday waxay maanta kulamo la qaateen Sarkaalka Sare ee Arrimaha Dijitaalka ah Wasaarada cadaalada Rwanda (𝐂𝐡𝐢𝐞𝐟 𝐝𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 𝐎𝐟𝐟𝐢𝐜𝐞𝐫 𝐌𝐢𝐧𝐬𝐭𝐫𝐲 𝐨𝐟 𝐉𝐮𝐬𝐭𝐢𝐜𝐞 𝐑𝐰𝐚𝐧𝐝𝐚), Gudoomiyaha Ururka Qareenada Rwanda, Machadka tababarada iyo horumarinta sharciga (𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 𝐨𝐟 𝐋𝐞𝐠𝐚𝐥 𝐏𝐫𝐚𝐜𝐭𝐢𝐜𝐞 𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐞𝐯𝐞𝐥𝐨𝐩𝐦𝐞𝐧𝐭) in Rwanda, Hormuudka Kuliyada Sharciga ee Jamaacada Rwanda iyo madax kale oo ka socotay midowga Afrika.

Shirkadu maalinkii koowaad ee shirka waxay fursad u heshay balanqaad aqoon korodhsi joogto ah oo ay ka helayso qabanqaabiyayaashii shirka kaasi oo lagu kobcinayo nidaamkan casriga ah ee ay shirkadu curisay iyo guud ahaan arrimaha kale ee taageeraya.

#LawTechAfrica2025

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here