Shirkada Oomaar oo US$200 000 ku Wareejisay guddida qaran ee Abaaraha Somaliland

0
960

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada Oomar International Company oo ka mida Ganacsatada  Somaliland ayaa Madaxtooyada Kaga Dhawaaqday inay yabooday raashin dhan afar kun oo qoys oo gaadhaysa laba boqol oo kun oo doolar (200.000$). shirkadda oo ku wareejisay guddida qaran ee Abaaraha .

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaguna kulan iskugu yeedhay ganacstadda Somaliland, waxaanu ka codsaday inay dhaqaale ugu deeqaan dadkaasi reer guuraaga ah ee abaarta xuni ku habstay, waxaanay  shirkad kasta ugu deeqday xaddi lacageed si loo gaadhsiiyo dadkaasi.

 

Maareeyaha guud ee shirkada Omaar Company Somaliland Mr. Maxamed Cali Muxumed oo ku wareejiyay guddida qaran ee Abaaraha, ayaa ka hadlay . “Shirkada Oomar International Company ee Somaliland iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda islaanimo,iyo kan qaranba,waxey mar walba diyaar utahey inay ka qayb gasho taakulaynta Abaaraha.

image-222

Isaga oo rintaa ka hadlayana waxa u yidhi;”Shirkada Oomar International Company ee Somaliland iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda islaanimo,iyo kan qaranba,waxey mar walba diyaar utahey iney tagaabeyso meelaha dadka jilicsan iyo danyartu ubadan yihiin sida baaraha, Xarumaha Agoomaha Hargeysa iyo Gabiley,Cusbitaalda,iskuulada,madaariska,iyo meelo kale oo badan sida dadka baadiyah ee abaaruhu wayeeleeyeen,waxana aanu bixinaa raashin badan sanadkii mar raashinkas oo isugu jira Bariis, Sonkor,Daqiiq,Saliid iyo Caano kuwaas oo aanu meelah qaarkood sijoogto usiino sida Xarumaha agoomaha Hargeysa Gabiley, Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa,Cusbitaalka qaaxada Hargeysa,sidoo kalena laamaha Shirkadu ku leedahey Magaalooyinka Berbera,Burco,Boorame, iyo Magaaloyin kale oo badanba ayaa iyagana laga bixiyaa raashinkan oo lasiiyaa meelaha baahiyaha waaweyni kajiraan,waana waajib diiniya oo ilaahey ina farey inaan istaakuleyno,had iyo jeerna waxa muhiim ah in meelaha ubaahan lasiiyo sida kuwaa aan soo xusey.

 

Xaaladda ay ku jiraan dadkii abaaruhu ku habsadeen ayaa laga dayrinayaa noloshoodda, waxaana warbixino ka soo diyaariyey guddida abaaraha iyo xubno wasiiro ah oo ay hor kacayso wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, waxaanay sheegeen inay abaarta dalka ka jirta tahay mid aan la eegan Karin, isla markaana u baahan gurmad degdeg ah.

 

Abaartan ayaa la sheegay inay dad iyo duunyaba halis kugu jiraan, iyadoo wakhtigan lagu jiro xoolo badan ku dhinteen abaarta awgeed, waxaana wararku sheegayaan haddii aan gurmad degdeg ah loo gurman inay halis ugu jiraan dadkii oo guryahoogii ka soo qaxay iyagoo deegaanno ka fog fog u hayaan tagay.

 

Shirkada Oomar International Company (OMINCO) ee Somaliland waa shirkada Ganacsi ee inta laga war hayo kalida ku ah iney si joogto ah usiiso raashinka cunada ah ee Xarumaha agoomaha Gabiley iyo Hargeysa oo ay ku xereysan yihiin agoomo badan oo intooda badan kamid ah Agoomihii ka hadhey Mujaahidiintii ku shahiidey Halgankii SNM.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here