Hargaysa (HP): Waxaa maanta qabsoomay kulanka saddex biloodlaha ah ee Waaxda Caafimaadka maanka iyo Haayaddaha kala shaqeeya Horumarinta adeega Caafimaadka maanka.
Waxaana kulankaasi soo qaban qaabisay waaxda Caafimaadka Maanka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay madaxda Waaxda Caafimaadka maanka iyo Haayaddaha kala shaqeeya Horumarinta adeega Caafimaadka maanka.
Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa Masuuliinta Waaxda Caafimaadka Maanka, Masuuliin ka socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Isuduwayaasha Caafimaadka ee gobolada dalka.
Xidhiidhiyayaasha Caafimaadka maanka ee goboladda dalka, Xubno ka socday Haayaddaha daneeya Caafimaadka Maanka iyo Hawl-wadeenado Kale.
Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd Dadaalka lagu xoojonayo isuduwidda iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha Caafimaadka maanka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa ay qabataa shirar iskaashi saddexdii biloodba mar kaas oo isu keena bahwadaagta Caafimaadka maanka ee heer qaran.
Shirkan ayaa wax weyn ka badali doona habsami u socodka iyo dadaalada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda Caafimaadka Maanka ee dhamaan gobolada dalka iyo sidii loo gaadhsiin lahaa goobaha aanu wali gaadhin ee u baahan in la gaadhsiiyo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.