Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo Galinka Dambe Ee Maanta La Soo Gabagabeynayo

0
489

Muqdisho (Hargeisa Press) – Shirka iskaashiga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo galinka dambe ee maanta.

Shirkan Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya oo maalintii shalay furmay ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

Gabagabada shirka ee maanta waxaa ku biiraya khudbadana ka jeedin doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaasha shirka ee beesha caalamka ka socda ku qancen dadaallada dowladda federaaalka iyo sidda ay awooday in muddo kooban ku fuliso inta badan qoddobadii leysku afgartay shirarkii ka horeeyay ee ka dhacay dalka dibaddisa.

Qaar kamid ah maamul Goboleedyada,sida Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkan qaadacay oo ka maqan,waxaana la filayaa in shirka maanta oo Arbaco ah laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here