“Shirka Heritage wuxuu umuuqdaa mid-lamida shirarkii hore ee kahor-imanayey danaha Somaliland”

0
1422

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa uu ka hadlay shirka madasha aragti-wadaaga ee Heritage ee ka furmay Jabuuti.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, ayaa waxaa uu sheegay in shirka Heritage ee Jabuuti uu muuqdo mid la mid ah shirarkii hore ee ka hor imanayay danaha Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in qorshayaasha shirka si cad loo dejiyay, iyagoo diiradda saaraya qorshe ka dhan ah iskaashiga Somaliland ee gobolka iyo xoojinta xasiloonida gobolka.

“Shirka Djibouti ee Heritage wuxuu u muuqdaa mid la mid ah shirarkii hore ee ka hor imanayay danaha Somaliland. Qorsheyaasha shirka si cad ayaa loo dejiyay, iyagoo diiradda saaraya qorshe ka dhan ah iskaashiga Somaliland ee gobolka: Xoojinta Xasiloonida Gobolka, “Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga iyo Nabadda Geeska Afrika” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Agaasimaha, ayaa waxaa uu si cad u sheegay in shirku uu yahay mid lagu sii wad-wado mucaaradadii ka hor imanaysay heshiisyada iskaashi ee ay Somaliland gobolka ka gashay.

“Boowe maxaa kuu baxay? Waa mid lagu sii wad-wado mucaaradadii ka hor imanaysay heshiisyada Iskaashi ee Somaliland gobolka ka gashay” ayuu raaciyay.

Sidoo kale, Agaasime Cabdirashiid, ayaa xusay in dowladda Somaliland ay muddo 34 sanno ah ay kaalin mud leh ka qaadatay xasilloonida gobolka iyo dunida, iyadoo ka hor tagtay budhcad badeedda iyo argagixisada, kana dhigtay dalkeeda mid ammaan ah oo dimuqraadiyadda tusaale u noqday.

“Dawladda Somaliland, muddo 34 sanno ah, waxay kaalin mug leh ka qaadatay xasilloonida gobolka iyo dunida, iyadoo ka hor tagtay budhcad badeedda iyo argagixisada, kana dhigtay dalkeeda mid ammaan ah oo dimuqraadiyadda tusaale u noqday”. ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa tilmaamay in iskaashiyada caalamiga ah ee ay Somaliland la gasho dalalka gobolka iyo dunida ay ku dhisan yihiin sharciyadda caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in taasi ay horseeday heshiisyada muhiimka ah ee dekedda Berbera iyo MoU-ga lala galay Ethiopia, kuwaas oo dhiirrigelinaya wada ganacsiga iyo xasiloonida gobolka iyo dunnidaba.

“Iskaashiyada caalamiga ah ee ay la gasho dalalka gobolka iyo dunida waxay ku dhisan yihiin sharciyadda caalamiga ah, taas oo horseeday heshiisyada muhiimka ah ee dekedda Berbera iyo MoU-ga lala galay Ethiopia, kuwaas oo dhiirrigelinaya wada ganacsiga iyo xasiloonida gobolka iyo dunnidaba” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here